Sheeko: Waalid Caasi Ma Liibaano (Qiso Xanuun Badan)

Waxay ahaayeen laba wiil iyo gabadh walaalo ah, oo tacabkii waalidkood ku dhamaaday, way hanaqaadeen oo qayrkood way dhaafeen sababtoo ah waxay kaalmo badan ka helayeen waalidkood oo wax walba la garab taagnaa, maxamuud waa wiilka ugu wayn reerka, waa 28 jir dhamaystay heerkii jaamacadeed ee u sareeyey, kadibna aabihii ka dalbaday inuu gabadh u dhiso odaygu kamuu horjoogsan ee wuu u ogolaaday waanuu u dhisay tii uu rabay, ismaaciil oo 2 sano ka yar maxamuud ayaa markuu arkay walaalkii oo gabadh loo guuriyey isaguna damaciisa hinaaseed usoo bandhigay waalidkii, balse odaygu wuxu isku dayey inuu wiilkiisan kula taliyo inuu hawshaa dib u dhigo ilaa intuu jaamacada dhamaysanayo, ismaaciil wuu ka biyo diiday wuxuna ku adkaystay in codsigiisa loo hirgaliyo, hooyadood markay aragtay halkay xaaladi marayso waxay odaygii usoo jeedisay inuu ka ogolaado codsiga ismaaciil ee guurka ah, sidii buu odaygii ku aqbalay isagoo diidaya in ubadkiisu ka cadhoodaan.

xamdi waa inanta reerka kusoo hadhay ee la nool waalidkeed islamarkaana ugu yar ubadka, inkastoo ay imika mudakartay oo ay 18 sano jirto, labadii wiil mid waliba wuxuu gabadh ku qabaa guri aanuu dhisan, waxayna quutaan maal ayna shaqaysan ee waa tacabkii iyo dhididkii aabohood, waxayna u dhaqmaan sidii rag shaqaystay oo maal-qabeeno ah.

hooyo maryan waa shakhsiyada ka dambaysay guulaha uu nolosha ka gaadhay odaygeeda cismaan, oo garab iyo gaashaanba u ahayd, lana soo qaybsatay xaalad walba islamarkaana u dhashay saddexdan ubad ah.
aabo cismaan iyo hooyo maryan waa dad talo wadaag ah, oo dhaqan wanaag iyo qalbi furnaan kusoo gaadhay da’dan ay maanta joogaan.

aabo cismaan imika waa 68 jir timuhu cadaadeen, islaanta lafteeduna waa da’, odaygu wuxu leeyahay hanti badan oo aanuu dhaxal ku helin ee uu dadaalkiisa ku gaadhay iyo taageerada uu ka helay islaantiisa oo waligeed garabkiisa taagnayd.

aabo cismaan waxa kusoo booday xanuunka faaliga oo dhinacbaa qalalay, wuxu yaalaa cusbitaal waxa weheliya islaantiisa maryan iyo inantiisa xamda oo waxbarashadeedii ku seegtay siday u dul taagnayd aabeheed, labada wiil way ka war hayaan xanuunka aabohood ku dhacay balse murugo badan ma hayso ee midkoodba maalin ayuu cusbitaalka kusoo booqday oo waxay iskaga jiraan nolol kale.

xanuunkii wuu kusii siyaaday odaygii, wuxuna damcay inuu dardaarmo intaan naftu ka bixin, wuxuna yidhi: aabo xamdaay orod inamadaydii iigu yeedh xaaladaydu ma fiicnee! xamdi waxay orod ku gaadhay walaalkeedii waynaa ee maxamuud, gurigii uu ku jiray ayey ugu tagtay waxayna ku wargalisay in aabo xaaladiisu adagtahay islamarkaana uu doonayo wiilashiisa, hayeeshee maxamuud canaan ayuu ka hor keenay walaashii isagoo leh: anigu ma dhakhtarkii dawaynayey ayaan ahay? xamdi intay naxday ayey tidhi walaal cida aan ku sheegayaa waa aabeheen! intaanuu maxamuud mar kale hadlinba waxa ka garab hadashay gabadhiisii oo xamda ku tidhi naa aanu kaa raaxaysanee ninkayga hayga mashquulin qayladana nala dhaaf.

xamda: ismaaciiloow fursad aan gabadhaada ugu jawaabo ma hayee inamari aabaa ku rabee! naa hadaba guriga ii dhaaf oo orod adigu lajoog odayga waadigii waligaaba hoosta kaga jiree! xamdi niyad xumo ayey kaga timid maxamuud, hadana waxay beegsatay walaalkeedii kale ee ismaaciil, markay albaabka ku garaacdayba waxa ka furtay gabadh ayna garanayn,
xamda: mee walaalkay ismaaciil?
gabadhii: ma joogo!
xamda: oo adigu yaad tahay?
gabadhii: shaqadaada maaha cidaan ahaye nabadeey oo albaabkiiba way xidhatay, xamda oo aad uga xun dhacdooyinkan oo albaabkii ismaaciil taagan waxay daaqada guriga ka aragtay wiil yar oo ismaaciil dhalay, waxayna ku tidhi eddo aabahaa muu joogaa? haa oo wuu hurdaa! mar labaad ayey albaabkii garaacday, oo gabadhii garanwaaga ahayd ayaa ka furtay,
xamda: gabadhyahay maxaad walaalkay iiga qarinaysaa? qayladoodii ayuu ismaaciil kusoo kacay markaasuu yidhi maxaa dhacay? xamda ayaa u sheegtay waxa dhacay iyo in aabo uusoo diray, ismabuu dhibine wuxu yidhi orod waan kaa daba imane!
xamdi iyadoo la yaaban jawaabta xun iyo siduu u yaraystay arintan ayey su’aal waydiisay, walaal dee aabo xaalad xun ayuu ku jiraaye waa ku sidee mida kale waa ayo gabadhani ilayn taad qabtay maahee? naa maxaa badahayga kusoo galiyey, ma intaad qaylo noola timid oo aad hurdadii naga toosisay ayaad waliba i su’aalaysaa? orod yaanan gacan ku saarine.

xamdi way mooraal jabtay, waxana lama filaan ku noqotay waxay kala kulantay walaaladeed, maalintaa aadbay uga quusatay, dib ayey cusbitaalkii ugu soo noqotay oo intayna sariirtii aabeheed gaadhin ayey hooyadeed la kulantay, hooyo maryan ubadkeeda way taqaanaa oo markiiba waxay tidhi: hooyo xamdaay waxaan filayaa inaad foolxumo kala kulantay inamadii, waa runtaa hooyo!

hooyo maryan waxay inanteeda ku wargalisay in aanay odayga u sheegin waxay inamadu yidhaahdeen sababtoo ah waxay ka baqanaysaa in naxdinta uu naxo wadnuhuba istaago, kadib waxay isku waafaqeen inay been u sheegaan oo waxay odaygii ku yidhaahdeen inamadii waanu soo waynay.

ninkii curadka ahaa ee maxamuud intu telefoon qaatay ayuu wacay walaalkii ismaaciil,
maxamuud: waar heedhe ismaaciil dadkiiba waan ka amaan laayahay oo kii i arkaaba wuxu i leeyahay odaygii ku dhalay maad u tagtid oo naftaabay igu dhibeen!

ismaaciil: maxamuudoow anaa kaa daranoo waaban ka raaxaysan waayee muu iska dhinto odaygu aynu dhaxalka qaybsanee, heerkaasay marayaan inamadii oo kaliya waxa u cad maalka iyo hantida ayaa u daran, ismaaciil gabadhiisii waxay kaga duday markay aragtay inuu waalid caasi yahay, oo waxa guriga u joogta mid xaaraan ah.

hooyo maryan way adkaysan wayday kadib markuu odaygii daqiiqad walba afka ka dayn waayey maryaneey inamadeenii maxaa helay 8 bilood ayaan dhakhtar jiifaaye? hooyo maryan markay istidhaa inamada u tag waxay ka baqataa in intaa ay maqantahay odaygeedu xijaabto, kadib intay telefoonkii xamda qaadatay ayey dibada ula baxday, waxay wacday wiilkii waynaa nasiib daro gabadhiisii ayaa ka qabatay oo af qadhaadh ugu jawaabtay, hadana kii kale ayey wacday balse inta laga qabto ayaa lagu jarayaa telefoonka, hooyo maryan xaaladu way ku xuntahay, hooyadu wanaagsanaa iyadoo arkaysa xumaha ay wiilasheedii wadaan ayey hadana kala ilaalinaysaa oo kolba dad ayey diraysaa oo fariimo ugu dhiibaysaa inamadeeda iyaguna waxay jawaab uga dhigayaan eeyaahe markuu odaygu dhinto noosoo sheeg, dhaxalkana nooga saxeex, (subxaana LAAH).

odaygii waxa qabtay xanuunkii sakaraadka, waxa dul taagan ummad badan waayo wuxu ahaa adoon saalix ah oo dadku jecelyihiin, mid ka mida dadkii ayaa yidhi inamadii uu dhalay meeyey? mid kale ayaa u jawaabay oo yidhi sowkuwii diiday aabahood ee aanu wax walba ku nidhi ee nagu gacmo saydhay! odaygii oo aad u liita ayaa dirqi ku hadlay oo yidhi: maryaneey ma runbaa waxaa la sheegayaa? hooyo maryan oo sariirta dhinac kaga fadhida ayaa ilmo kasoo daadatay oo jawaabi kari wayday! aabo xamdaay sidaad habeen iyo maalin iiga dul ooyeysay ayaad is badashay aabo adiga iyo hooyadaaba duco ayaan idinku ogahay, odaygii oo xaaladiisu kasii darayso ayaa hadalkiisii kusoo gabagabeeyey (maryan iyo xamdaay waxaan u malaynayaa in wakhtigaygii dhamaadee, waxaad yeeshaan waxaan hanti lahaa labadii wiil kala siiya bal in maalkaasi wax u taro hala arkee, aabo xamdaay hooyadaa ilaasho) لا اله الا ﷲ waabuu ashahaatay sidiibuu ku geeryooday.

ismaaciil: waar maxamuudoow odaygii wuu dhintaybaa la yidhiye soo carar, aaskii ayaabay yimaadeen iyagoo muujinaya waji been ah, balse dhamaan ragii meesha joogay ayaa u diiday inay kasoo qayb galaan aaska aabohood, waayo warkooga ayaa la hayey.

waxay u tageen hooyadood, iyagoo oohin been ah matalaya, balse hooyo maryan iyadoo ilmadu ka qubanayso ayey aamusnaan ku gudoonsiisay wixii hanti marxuumku ka tagay, oo hooyo maxaad noola hadli laadahay, xamda yar oo iyaduna ilmadu ka da’ayso ayaa ugu jawaabtay: (waaryaadha waa inamada, afkaygu wuu ka xishoonayaa inaan walaal idin idhaa, waxaad dafirteen waalidkiin waxaad noqoteen caasiyiin, waligiin maydaan dhadhamin lacag aad shaqaysateen ee ta waalidkiin ayaad cunayseen, waxaad doorbideen in waalidkiin hore idiin dhaafo si aad hantidan u dhaxashaan, hooyo iyo aabo waxay idiin soo koriyeen sidii ugu wacnayd, imikana wataa hantidiiye waalid ha idiin noqoto)
maamo maryan iyo xamdi way iskaga tageen magaaladii.

labadii inamood ee isku qanciyey inay helayaan nolol tii hore ka qurxoon, waxa u bilaabmay baaba’ silic rafaad saxariir soomalhaad iyo nolol aad u xun, reerahoogii way burbureen, ugu dambayn kii waynaa dhagarbuu galay oo inta jeel lagu xidhay ayaa xabsi daayim lagu xukumay, kii kalana isagoo nool ayuu ayuu shil galay oo ku indho iyo laxaad beelay.

maxamuud waxay jeelka isku arkeen nin askari ah oo hore ay isku yaqaaneen, askarigii ayaa ku yidhi: waar maxamuud ma xasuusataa habeenkii dhaxanta badnayd ee roobku da’ayey ee ee hooyadaa albaabka gurigaaga soo garaacday ee intaad daaqada ka eegtay aad aragtay iyadoo qoyday oo aad u dhaxmoonaysa, kadibna aad gabadhaada usoo dirtay si ay u erido, ee hooyadaa gabadhaadii ku tidhi inankaygii mar uun aan arko, ee loogu jawaabay eeyaa majoogee guriga hanaga qoyn? maxamuud wuu jawaabi kari waayey!
akhriste qisada oo dheer awgeed intaas ayaan ka turjumay.

ILAAHAY ayaa quraankiisa ku sheegay in maalka iyo ubadkuba fitno yihiin

Waxa soo Tarjumay Akram Cabdalla

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: