Sheekh Aadan-Siiro Oo Sheegay In Ganacsato Ku Tartamayaan Inay Iibsadaan Dhulka Laynka Booliiska Ee Hargeysa + Video

Hargeysa (Dhamays) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaato ka jirta Dekedda Magaalada Berbera oo Xukuumadda Somalilad ku wareejisay Shirkadda DP World.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbadda kaga hadlay Marxaladda Siyaasadeed ee dalku marayo iyo Arrimo kale oo ay ka mid tahay in Ganacsato ku tartamayaan inay iibsadaan Dhulka Laynka Bileyska Hargeysa.

 

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Khilaafka Golaha Wakiillada ee la xidhiidha Guddoomiye-nimada Golahaasi, ayaa yidhi “Golaha Baarlamaanka Ninka ugu da’da yari wuxuu Madaxa la galay Konton Jir, kuwa kalena way ka sii waaweyn yihiin, waa Nimankii aynu ku hiraneynay, ayaa waxay illaa hadda ku kala bixi la’yihiin Tiradii Codadku ma saxbaa mise tiradu Maaha, taasina waa Caqabad jirta oo ay tahay inay Dadku ku baraarugaan Xaaladda innagu xeeran waxay tahay. Taxaddiga kale ee innagu xeeran waxa weeyaan Doorashada aynu galayno (oo ku soo beegmaysa xilli) Dadkii loo kal fadhiisiyey Qabaa’il, oo inta wax doonaysa qaabka ay wax u wadaan iyo Odoroskooda iyo qaabka ay wax Dadka ugu sheegaan in Dadka qaybin badani ku jirto, sidaasi darteed waxaynu u baahannahay digtooni badan, waxaynu baahanahay wada-tashi, waxaynu u baahanahay inta wanaagsan ee Daacadnimada iyo kartida lagu tuhmayaa inay u dedaallaan inaynu Nafaheenna bedbaadiyaan.”

 

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay Ahmiyadda Wada-tashigu u leeyahay Aadamaha “Nebiga oo ILAAHAY u soo diray Caalamka oo dhan, Xitaa Jinka ayaa haddii arrin qabsado wxuuu la tashan jiray saxaabadiisa wanaagsan. Xadiis uu Tarmadi weriyey, Albaanina yidhi waa saxeex ayuu Rasuulku (CSW) ku yidhi ‘Qofka lala tashadaa waa Qof la aaminay, Shuruuddii ammaanadu lahaydna ay tahay inuu ka soo baxo’, Macnaheedu waxa weeyaan Cid walba wax lama waydiinayo (Lalama tashanayo).

Laakiin Dalalka Muslimiinta oo dhan oo aynu innaguna (Somaliland) qayb ka nahay maxay ku jabeen?,  markaynu Talo ka hadlayno Ninkaa Meeshaa Maamulaa (Dawladda) kow wuxuu odhanayaa u yeedha intii Aniga i ogolayd, dabadeedna waxa loo yeedhayaa Qof ku jira Dadka uu isagu Maamulo ee taladiisa ogol, ee xitaa hadduu khaldan yahay odhanaya sidii wanaagsanayd baad samaysay, isagoo og inay khaldan tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Sheegay in Dekedda Berbera oo ay Maamusha Shirkadda DP World aanay shaqooyinkeedii sidii Qorshuhu ahaa u soconin, “Dekedda Berbera Maanta waxa taagan Markabtii la soo saaray Dharkii Ciiddii Ramadaan, maxaad u malayn Ciidda Carafo ee innagu soo dhow, khasaaraha Ummaddaa soo gaadhay (ka warran), illayn Maalka waynu wada leenahay oo inta ay leeyihiin inta Ganacsatada ahi ayaa ehelka iyo Qaraabadu ku nooshahay, oo qaadhaanka laga qaadaa, oo marka ay kululaato ay Dawladdu waxay u baahato ka qaaddaa.  Imisa ayaynu ka hadalnay in Arrintaa DP World aanu heshiis cad ahayn ?, waxay ahayd in wakhtigaa Ummaddu dareento, Maanta ayay Ganacsatadii qaylinaysaa, isagoon Heshiisku dhicin ayaanu ka hadalnay inuu yahay Heshiis aanay Ummadda Dani ugu jirin. Halkee Adduunka lagu arkay, isha keliya ee aad leedahay Anigu aan Maamulo ee Adiguna halkaa fadhiiso ?, iyagoon Hal Dhagax ah ku darin, waxay ku soo oodantay (arrintu) kuwii Sacabka garaacayey, ee Qandaraasleyaasha ahaa ama Ganacsiga lahaa, Maanta ayaa Ummaddii oo dhami qaylinaysaa, Maanta ayaa Berbera oo dhami Qaylinaysaa.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka digay in Cid gaar ah laga iibiyo Dhulka Laynka Bileyska Hargeysa oo uu sheegay in Ganacsato ku tartamayaan si ay u iibsadaan, “Mid baan idiin sheegayaa, Laynka Booliiska (Xaafadda Laynta Booliska) waxa bannaan 200 mitir iyo 150 Mitir, Dhulkaa Maanta bannaan haddii la qiimeeyo wuxuu noqonayaa Konton Milyan oo Dollar, Waayo? Mitirka laba Jibbaaran eek u yaalla Badhtamaha Hargeysa qiimihiisu waa laba Kun oo Dollar, marka loo eego Guryaha ka sii jeeda, kuwa ku soo jeeda ee Badhtamaha Magaalada ku yaalla sidii Dhaxalka lagu sameeyay (Sidii lagu qiimeeyay). Dhibaatada jirta ee Waddooyinkii Magaalada xidhay waa Basas, meel alaale iyo meel laga maro Bas ayaa la la’yahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo soo jeediyey Talooyin “Waxaanu kula talinaynaa Golaha Deegaanka oo aan Anigu qabo inay yar seexdeen, waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda, waar Dhulkaa Laynka Booliiska aad baa loo hadal-hayaa, oo waxa ku tartamaya Nimankii Beystaynada haystay, ee Afar Arrimood mid hala sameeyo haddii Garasho iyo dareen jiro. Waata koowaad ee Basaska ha la inagaga ururiyo meeshaas, oo Basaskaa inna wareeriyey ee Afarta Jahaba ha uga baxaan, haddii taa la yeeli waayo ha laga dhigo meel baabuurta la dhigto oo Gaadhi walba Saacaddii kun Shilin laga qaado, oo noqoto dakhli Dadka u soo kordhay. Haddii taa la yeeli waayo hala dhigo Qaybta labaad ee Jaamacadda Hargeysa, maaddaama oo Jaamacadda Hargeysa innagu yar tahay, haddii taa la yeeli-waayo Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo la dhisay 1945-kii, waxna aan lagu kordhin, innaguna yar Qaybtiisii labaad ha laga dhigo Laynka Booliiska ee Hargeysa. Qolada meesha joogta waxaanu leenahay in badan baynu wada-hadalnay ee Saddexdaa bilood ee (Idiin hadhay) u kaadiya oo meeshaa isha ku haya, wax badan bay Ummadda u taraysaa.”.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: