Shaqaalaha Dawladda Oo Loo Fasaxay Xuska DHEEL-MINTII NEBI MUXAMED (CSW) Oo Berri Ku Beegan

Hargeysa (DMG) – Waxa Maalinta Berri ah oo Taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bisha Afraad, 2017-ka, oo waaqafsan 27-ka bisha 7-aad, 1438 Hijriga, waxa Dunida Muslimka ah laga oogayaa Xuska HABEENKII SAMADA LOO DHEEL-MIYEY NEBIYULLAAHI MUXAMED (CSW).

Xuska Dheel-minta Nebigeenna Muxamed (CSW) ama ISRAA WAL MICRAAJ, awgeed ayaa Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxay noqon doonaan fasax, sida uu Maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle.

Guddoomiye Sharmaarke oo Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa yidhi “Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxay shaacinaysaa Maanta in Berri oo Taariikhdu tahay 24-ka bisha Afraad, 2017-ka, kuna beegan 27-ka bisha 7-aad, 1438 Hijriga, inay Shaqaalaha Dawladdu noqon doonaan Fasax, kana nasan doonaan hawl maalmoodkoodii Shaqo, maaddaama oo ay ku beegan tahay Habeenkii la Dheelmiyey Nebiyullaahi Muxamed (CSW). Markaa Maalintan oo ka mid ah Maalmaha fasaxa, waxaanu shaacinaynaa inay Shaqaalaha Dawladdu fasax yihiin..”


 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: