Shan Qof Oo Ku Dhintay Rasaas Ay Dablay Hubaysan ku fureen dadka reer Ceel-Afweyn

Ceel-Afweyn (Dhamays) – Ugu Yaraan shan qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii dablay beeleed hubaysani ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

 

Dadka dhintay ayaa kala ah saddex dumar ah iyo laba nin sida uu Telefishanka HCTV  u xaqiijiyey maayarka magaalada Ceel-Afweyn, Cabdirixiin Aw Yuusuf Axmed.

 

Ugu Horayna Maayarka oo weerarkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac.

 

“Ciidamadu meesha way soo dhexgaleen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Ceel-Afweyn oo khadka Telefoonka ugu waramay Telefishanka HCTV.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: