SAYLICI Oo Xadhigga Ka Jaray Cisbitaal Casri Ah Oo Dr. Gaboose Ka Hirgeliyey Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Dhamays) – Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah Dhakhaatiirta waaweyn ee reer Somaliland, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka Daah-furay Cisbitaal Magaciisu yahay [HAL-DOOR’ kaasi oo uu sheegay inuu dabooli doono baahiyihii Caafimaad ee Dadka Soomaalidu u tagi jireen Dalalka Shisheeye.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay Cisbitaalka Hal-door oo uu Xadhigga ka jaray Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxa ka qayb-galay inta badan Dhakhaatiirta Caafimaadka ee Somaliland, Guddoomiyaha Hay’adda Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland, Wasiirka Caafimaadka, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Culimo, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo hadal dheer ka jeediyey Munaasibadda lagu daahfuray Cisbitaalka Hal-door oo ku yaalla suuqa Caanka ah ee Togdheer ee Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey Marxaladihii kala duwanaa ee uu la soo maray dhismaha Cisbitaalkan oo Guri ka kooban dhowr Dabaq, waxaanu sheegay in Cisbitaalka ay u qalabeeyeen si Casri ah oo ay dhigeen Qalab iyo Daawooyin Tayo leh, si uu Awood ugu yeesho daboolidda baahiyihii Caafimaad ee Shacabka Soomaalidu u tagi jireen Dalalka Dibedda.

Dr. Gabboose waxa kale oo uu sheegay inay Cisbitaalka dhigeen Dawooyin Tayadoodu wanaagsan tahay oo laga soo iibiyey Goobo uu sheegay inay ku kalsoon yihiin.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbadaha Madaxweyne ku-xigeenka, Dr. Gaboose iyo Dadka kale ka jeediyeen Xafladda Furitaanka Cisbitaalka Hal-door



 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: