SAWIRRO: In Ka Badan 220 Ku Dhintay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho (Dhamays) – Waxa sii kordhay Tirada Dadka ku naf-waayey Qarax Shaalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska SOOBBE oo ah Meel aad u mashquul badan oo Dadka iyo Gaadiidkuba ku badan yihiin.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi nooca Xamuulka qaada ah oo laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, ayaa Wararkii hor-dhaca ahaa sheegeen inay ku dhinteen illaa Afartan Ruux oo Shacab u badnaa, ka dib markii markii uu Qaraxu dumiyey Guryo Dabaqyo ahaa oo iska soo horjeeday isla-markaana uu Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku dhawayd, Gaadiid Waddada marayeyna gubteen.

Laakiin, Warar dheeraad ah oo Maanta ka soo baxay Qaraxaasi oo aan Weli Cidna sheegan Masuuliyaddiisa, ayaa waxay sheegayaan in Tirada Dadka Qaraxaasi ku dhintay ay ka badan tahay 220 Qof, kuwaasi oo weli qaar Meydadkoodu ku hoos jiraan dhismayaasha Dumay.

Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa sheegay in Agaasimaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Dr. Maxamed Yuusuf uu u sheegay in Cisbitaalkooda oo keliya la dhigay Meydadka dad gaadhaya 220 Ruux, taasi oo ka dhigan in Dadka dhintay intaasi ka badan yihiin, “’Agaasimaha Cisbitaalka Madiina wuxuu noo sheegay in la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Meydadka 220 ruux oo ku dhawaad 130 ka mid ah ay adag tahay in la aqoonsado muuqaalkooda’’ ayuu yidhi, Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan Meydad kale oo la dhigay Cisbitaalada Muqdisho sida Cisbitaalka Digfeer oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee lagu dabiibayo dadka ku dhaawacmay qarxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay xaqiijinta tiro-koobka saxda ah ee  dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxan, wallow Idaacadda VOA sheegtay in Dadka dhaawacmay ay ka badan yihiin 207 Qof, kuwaasi oo 127 ka mid ah aanay weli ehelkoodu helin. Wargeyska The Independent ayaa isaguna baahiyey in Dhaawacu gaadhayo 275 Ruux.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: