SAWIRRO: Dawladda Oo Iibisay Dugsiga RIIS Iyo Dadweyne Diiddan Oo Gadooday

Gar-adag (Dhamays) – Dadweyne Gadoodsan ayaa Maanta iskugu soo baxay Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Cali Cismaan (Riis), kaasi oo la sheegay in Qayb ka mid ah Dawladdu ka iibisay Ganacsade isla-markaana Shalay la keenay Jiingado la doonayey in lagu deyro dhinac la doonayey in dhisme laga bilaabo.

Dadweynaha oo diiddan in Cid gaar ah laga iibiyo Qayb ka mid ah Dugsiga Riis, ayaa waxay la kala yaaceen oo ay halkaa ka qaadeen Jiingado iyo Loox la doonayey in lagu deyro Qaybta la sheegay in Ganacsadaha laga iibiyo, waxaana markaasi ka dib meesha yimid Ciidamo Boolis ah oo Dadweynihii Xoog ku kala dareeriyey.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo Telefiishanka HCTV waydiiyey Dhulka Dugsiga Riis ee la iibiyey ayaa ku jawaabay “Annagu wax la iibiyey ma ogin, Arrinta Iskuulkaasna Saaka (Shalay) ayaanu ka war-helnay, markaa waxaanu Wada-hadalnay Maayarka iyo Taliyaha Booliiska, markaa waxaanu isla garanay in la joojiyo.” Ayuu yidhi,

halkan Hoose Ka Daawo Wasiirka oo Arrintan wax laga waydiiyey


Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: