Saraakiisha W/Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Oo Cusbitaalka Hargaysa Ku Booqdey, Sawir-qaade Axmed Muuse Xuseen, Oo Kamid ah Shaqaalaha W/Warfaafinta Somaliland

Hargeysa (DMG)- Madaxdda Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ayaa soo booqday sawirqaade ka tirsan wasaaradda warfaafinta gaar ahaan Tv-ga qaranka jamhuuriyadda Somaliland, farsamo yaqaankan oo lagu magacaabo Axmed Muuse Xuseen waxa uu ka hawl-gala wasaaradda warfaafinta isla markaan ku caan baxay barnaanmujyadda waxbarashadda ku saabsan iyo arrimaha bulshadda, Mudane Axmed Muuse Xuseen ayaa mudo xanuun haleelay dartii waxa uu yaalaa dhakhtarka weyn ee hargaysa halkaasi oo loogu samayn doono qalniin xaga macdanta ah.

 

 

Masuuliyiintan wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo kala ah Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi mudane Cabdi Cali Jaamac, Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Da’uud Axmed Faarax iyo Af-hayeenka Wasaaraddaasi Mudane Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa saaka subaxnimadii ku soo booqday qolka uu kaga jiro cusbitaalka magaaladda hargaysa si ay ugu kuur galaan xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay hawl-wadeenkan ka tirsan bahda saxaafaddu.  Waxay madaxdani si wada jir ah illaahay ugu baryeen mudane Axmed Muuse Xuseen in uu xanuunka ka dul qaado isla markaan uu caafimaad sareecan ah ugu belo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.

 

Mar aanu wax ka weydiinay mudane Axmed muuse sida hadda caafimaadkiisu yahay waxa uu noo sheegay in uu hadda caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana weli baadhitaanadii u socdaan si loo derso xanuunka asiibay si loo daaweeyo, waxa kale oo uu noo sheegay in maalinta Axada ah ee bishan lagu samayn doono qaliin. Waxan illahay uga baryaynaa in caafimaad sareecan ah siiyo isaga iyo Muslimiinta kale ee xanuunsanaysa.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: