Saddexda Xisbi Qaran Oo Ku Heshiiyey In Doorashada Dib Loo Dhigo & Madaxweynaha Oo Bogaadiyey

Hargeysa (Dhamays) – Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland (WADDANI, UCID iyo KULMIYE), ayaa ku heshiiyey in Doorashada Madaxtooyada oo ku muddeysnayd 28-ka bisha Saddexaad ee Sannadkan, dib loogu dhigo illaa 10-ka bisha tobnaan ee Sannadkan.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ka kooban Laba Qodob oo  Maanta Saddexda Xisbi iyo Komiishanku ku kala saxeexdeen ka dib, shir Madaxweynuhu goob-joog ka ahaa oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somliland ee Hargeysa.

Qoraalka Heshiiska ah oo ay Saxeexeen Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa u dhignaa sidan:-

Heshiiska Saddexda Xisbi Qaran Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka
Arbaca, 25/01/2017

Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanayo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka. Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:

1.  In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
2.  In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.
 Saxeexayaasha:
 1.  Mudane, Faysal Cali Xuseen       
   Guddoomiyaha Xisbiga UCID
 2.  Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi 
 Guddoomiyaha Xisbiga Waddani
 3.  Mudane, Muuse Biixi Cabdi  
  Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
 4.  Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame   
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka (Goob joog) .


    
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Heshiiska Xisbiyadu wada gaadheen ka hadlay, ayaa yidhi, “Mudaneyaal waxaan idiinka Mahad-celinayaa sida Odeynimada iyo Bisaylka leh ee aad u soo gunaanadeen kala duwaanshiyihiinii Afkaarta siyaasadeed ee Salka ku haysay Muddada cusub ee doorashada Madaxtooyada la qaban karo. Tani waxay caddeynaysaa inaynu nahay Ummad wixii khilaaf ah ee dhex yimaadda ku xallili kara wada tashi, tanaasul iyo in Danta guud ee Qaranka laga hor-mariyo Danaha gaarka ah. Mar labaad hab-dhaqankaasi waa ka aynu ku soo Caano maallay ee Dunidu innagu Majeerato. Ugu dambayn waxaan idinku dardaarmayaa inaynu u gurmanno Ummaddeenna Abaaruhu Tabaaleeyeen, waxa kale oo aan idinka waaninayaa wax kasta oo Ummadda kala qaybin kara ama Tafaraaruq ku keeni kara isla-markaana abuuri kara Xanaf iyo Xajiin aan loo baahnayn.”
 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: