Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay xaaladihii uu dhaxlay markii uu la wareegay xilka

Addis Ababa (Dhamays News) – Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Abiey Ahmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirweynaha ganacsiga Adduunka ee lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland, lana soo gabagabeeyey Jimcihii toddobaadkan, kaasoo socday (22 ilaa 25 January 2019), ayaa caddeeyey inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa in la isku furo dalalka Geeska Afrika, isla markaana aan loo baahnayn ciidamo kala gaar ah oo ay yeeshaan Itoobiya, Eratariya iyo Jabuuti.Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed oo ugu horayn ka hadlay xidhiidhka iskaashi ee loo baahan yahay inay yeeshaan dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Bariga Afrika, waxa uu yidhi; “Qaddiyadda la xidhiidha khilaafka ragaadiyey degaannada Gobolka Geeska inta ugu badan waxa xudun u ah hummaagga ka dhasha dhibaatooyinka ay hoggaamiyeyaashu abuuraan, balse ma jirto sabab la taaban karo oo ay khilaafaadku salka ku hayaan. Marka aynu muujino isku-duubni buuxda oo dalalka Gobolka ah, waxa aynu isbeddel muuqda u horseedi karnaa bulshooyinkeena, laakiin marka aynu innagu (hoggaamiyeyaashu) qayb ka noqono khilaafka, labadeenuba waynu is dilaynaa oo waxa aynu iska luminaynaa dhammaanba fursadaha fiican ee aynu haysanno, intaas kadibna waxa inoo xigta in aynu dawarsanno oo gacmaha hoos dhigano dalalka Reer Galbeedka, markaa su’aasha aan weydiinayo madaxda gobolku waxay tahay in aan la innooga baahnayn oo qudha oo in aynu xallino khilaafaadkeena, balse sidoo kale waa in aynu isdhex-galka dhaqaalaha. Ma jirto wax baahi ah oo keenaysa in ciidamo millatari oo kala duwan oo ay kala lahaadaan dalalka Itoobiya, Eratariya iyo Jabuuti. Ma jirto sabab muuqata oo keenaysa dalalka ku yaal Bariga Afrika ay safaarrado kala duwan ku yeeshaan waddankan Switzerland (ama dalalka kale ee dibadda), waxa aannu wadaagi karnaa hal safaarad ama hal safiir oo na wada metela, sababtoo ah waxa aannu nahay dalal faqiir ah, dhaqaalahan safaaradaha badan nagaga baxayana waa in aannu u weecino sidii aannu wax ugaga qaban lahayd dhibaatooyinka sida tooska u saamaynaya muwaadiniintayada.”

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in sidoo kale hiigsigoodu yahay sidii ay dalalka xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD ay u yeelan lahaayeen suuq qudha oo ganacsigooda mideeya, tallaabadaas oo uu xusay inay qayb tahay qorshayaasha la iskugu furayo dalalka gobolka oo dhan, isagoo ku dooday in aanay jirin cid uu uga habranayo ama uu ka cabsi qabo inay caqabad ku noqdaan hirgelinta isbeddelada waaweyn ee uu doonayo inuu ka hirgeliyo dalkiisa Itoobiya iyo guud ahaanba mandaqada bariga iyo Geeska Afrika, maadaama oo cidda uu u adeegayo yihiin dadweynaha muwaadiniinta ah, ilaa inta dadweynuhu barbartaagan yihiin taageeradana u hayaan aannu cid kale ka cabsi qabin.

“Muddo sagaal bilood ka hor ah, xaaladda Itoobiya waxa ay ahayd mid aad u xun, iyadoo uu ifafaalaha muuqdayna u dhawaa in xaaladdu sababto burbur ku dhaca hannaanta dowliga ah ee Itoobiya, iyadoo caddaadiskii xumaa ee ay dowladdu ku haysay bulshadu keenay in dalku ku sii siqo dhinaca khatarta ah. Arrinta kale ee xaaladda sii xumaysay waxa ay ahayd cilaaqaadka iyo wada-shaqaynta liidatay ee u dhexaysay nidaamka hoggaaminta ah, waxaanna ka dhex jiray is-faham la’aan, is aaminaad la’aan iyo kala shaki dano ku salaysan oo ka dhex jiray maamulka hoggaamineed ee ugu sareeyey dalka Itoobiya. Dhibaatooyinkaas jiray si aannu uga gudubno waxa aannu samaynay in aannu urursano macluumaad iyo xogo kala duwan oo aannu ka urursanay dhinacyo kala duwan, kadibna waannu falanqaynay anaga oo adeegsanayna hannaan iyo dariiqooyin kala gedisan, sidaa darteed waxa aannu ka shaqaynay sidii aanu xal ugu heli lahayn dhibaatooyinkii jiray oo dhan, si aannu xaaladda wax uga beddelno, ugu dambayntiina waxa aannu qaadanay in aannu samayno isbeddel dhinaca hoggaanka ah oo xilka la isugu wareejiyey nidaam nabadgelyo ah, isla markii isbeddelkaasi dhacayba waxa uu hoggaankii cusbaa bilaabay inuu dadweynaha dhegaysto, bulshaduna soo bandhigaan waxyaabaha murugada ku hayey…Waxaanna jiray oo noo soo baxay in dadku ay si xooggan uga cabanayeen nidaankii dowladiga ahaa, iyadoo ay jiraan caddaalad-darro baahsan oo saameeyey dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalahaba iyo sidoo kale xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqa bani’aadamka,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaruhu.

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in dowladiisu ay si fiican u dhegaysatay dhammaanba rabitaanka ay shacbigiisu muujinayeen, xabsiyada dalka Itoobiyana laga sii daayey kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah iyo suxufiyiin u xidhnaa dowladdii ka horaysay, waxaannu iftiimiyey inuu hadda aad ugu faraxsan yahay in aannu jirin weriye qudha oo hadda ku xidhan gudaha Itoobiya.

Waxa kaloo uu Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed sheegay in dalka Itoobiya laga bilaabay isbeddelo waaweyn oo la xidhiidha dhinacyada horumarka, arrimaha bulshada iyo hannaanka dimuqraadiyadeed, isla markaana qorshahoodu yahay sidii doorashooyin xor iyo xalaal ah looga qaban lahaa gudaha dalka Itoobiya, muwaadiniinta reer Itoobiyana loo dareensiin lahaa in dalku hadda xor u yahay nidaamka xoriyatul-qawlka, furfurnaanta dhaqaalaha, ganacsiga, isdhex-galka bulshooyinka Gobolka Geeska Afrika iyo inuu dalka Itoobiya albaabada u furayo maalgashiga caalamiga ah, iyadoo meesha laga saarayo dhamaanba wax kasta oo caqabad ku keenaya isbeddelka gunta iyo baarka ah ee ka socda Itoobiya.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: