Qarax Sababay Dhimashadda 14 Qof Iyo Dhaawaca 20 kale Oo Ka Dhacay Muqdisho, Gaar Ahaan Maqaaxida Bilsan.

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay Qarax loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee Magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxan maanta dhacay ayaa laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, maadaama tanka qaraxa uu aad u cuslaa.

Gaadhiga qarxay oo aan nuuciisa sifiican loo xaqiijin ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay Kontoroolka Sayidka, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo ku dhaw-dhaw laamaha Ammaanka.

Gaadhigan Qarxay ayaa la ag dhigay Maqaaxi laga cunteeyo oo lagu magacaabo Bilsan, taasi oo dadweyne fara badan ay u soo doontaan adeegyada ay bixiso.

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde C/fataax Bashiir Cali ayaa sheegay qaraxan inay ku geeriyoodeen 14 qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ah shacab aan waxba galabsan.

Dadka qaraxan ku waxyeeloobay ayaa waxa ay isugu jireen Haween hareeraha wadada ku iibinayay Shaah, Dhalinyaro ku shaqeysaneysay Mooto Bajaajta, Caruurta Kabaha Caseysa iyo dad kale oo Maqaaxida xilligaasi ka qadeynayay.

Dadka qaraxan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Somaliyed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo xilligaasi wadada marayay.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ah Aabaha dhalay C/raxmaan Ceynte oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Dowladdii Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay qeybo ka mid ah jirka jirka dad go’goay, waxayna taasi aragagax ku abuurtay shacabka Somaliyed.

Sidoo kale waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay laga arkayay gaadiid iyo Mootooyin Bajaaj ah oo halkaasi ku burburay, waxaa kale oo burbur uu soo gaaray dhismayaasha halkaasi ku yaallay.

 

Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya gaar ahaan kuwa Miina Baarista ayaa sameeyay baaritaano ku aadan Qaraxan, waxayna halkaasi ka qaadeen Haraadiga Qaraxa.

Weli waxaa jirta cabsi ku aadan in magaalada ay ka dhacaan Qaraxyo maalmaha iyo saacadaha soo socda, bacdamaa horey loo bixiyay digniino ku aadan in ay magaaladda muqdisho ku jiraan gaadiid sida wax yaabaha qarxa.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa marka aad la sheekeysato waxay ku sheegayaan in Muqdisho aysan joogis laheyn oo ay muhiim tahay in laga Tahriibo ama gobolada dalka loo raadsado nolol midan dhaanta.

Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli maanta ay xirnaayeen wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo la ogsoon yahay in horey loo xiray jidcadayaasha xaafadaha dhexmara.

Dowladda Somaliya ilaa hadda ma aysan qaadin talaabo ay kaga jawaabeyso qaraxyadan xadh-kaha goostay ee ka dhacaya Magaalada, waxaanay u muuqataa in taladeedu tahay “Afkii baa juuqda gabay”.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: