Qarax Ka Dhacay Magaalada Gonder Ee Dalka Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Ugu Yaraan hal Ruux ayaa ku dhintay 19 kale ayaana ku dhaawacantay qarax ka dhacay huteel ku Yaalla Magaalada Gonder ee waqooyiga Dalka Itoobiya.

 

Weerarkan khasaaraha Geystay ayaa waxa uu dhacay habeenimadii Salaasada, ilaa hada si cada looma garanayo qaraxaasi Cidda Ka Dambaysay, Hase Yeeshee Ciidamadda Booliska wadankaasi ayaa waxay la xidhiidhiyeen mudaaharaadyadii rabshadaha watay ee bilihii la soo dhaafay ka socday gobolka Amxaarada.

 

Qaraxan ayaa Noqonaaya qaraxii labaad ee muddo todobaad gudihii ah ka dhaca deegaanada Axmaaradu degto ee dalkaasi itoobiya, iyada oo kan kii ka horeeyay uu ka dhacay magaalada Bahir -Daar Arbacadii hore.

 

Todobaadkan horaantiisii, Ra’iisalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in xukunka dagdaga ah ee dalkiisa ka jira uu gacan ka gaystay dib u soo Dabaalidda Xasiloonida kadib markii in ka badan muddo  Sanad ah ay mudaaharaadyo isdaba Joog ahi ka Socdeen Gobollada Oromada iyo Amxaarada ee Wadankaasi.

Gaba-gabadii labadaasi qawmiyadood ayaa siweyn ugu Cawday, isla markaana sheegay in laga Takooray Dhinacyada Siyaasada Iyo Dhaqaalaha.

 

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in boqolaal dad ah la dilay kumannaan kalana xabsiyada loo taxaabay tan iyo markii ay bilaabmeen mudaaharaadadaasi mawjadaha ahaa 2015-kii Bishii 11aad.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: