Qarax Al-shabaab La Maaganayd AMISOM Oo Galaaftay Dad Shacab Ah

Shabeelle (Dhamays) – Inta la xaqiijiyay laba Ruux oo Shacab ah ayaa ku dhintay saddex kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay kaddib qarax qabsaday gaadhi xamuul ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid ah rakaabkii saarnaa gaadhiga.

Saddexda Qof ee dhaawaca uu ka soo gaadhay Qaraxa ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe, waxaana u soo gurmaday ciidamada AMISOM oo dhaawacyada halkaasi ka qaaday.

Qaraxan miinada oo waddada ku aasnaa, ayaa sida Saraakiisha ay sheegeen waxaa wadada galiyay Ururka Al-shabaab oo la damacsanaa inay ku qarxiyaan gaadiidka AMISOM ee wadadaasi isticmaala.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: