Qaramada Midoobay Oo Soomaaliya U Magacowday Ergay Maraykan Ah

New York (Dhamays) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Magacaabay Wakiilkiisa gaarka ah ee Dalka Soomaaliya.

Xoghaye António Guterres ayaa khamiista Maanta Ergaygiisa gaarka ee Soomaaliya  u Magacaabay James Swan, kaasi oo beddeli doonaa Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u joogay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom ayaa la beddelay, ka dib markii Dawladda Soomaaliya sabab aan la caddayn uga dalbatay inuu dalkeeda ka baxo isla-markana aan dalkooda laga rabin.

James Swan oo ah diblumaasi u dhashay Dalka Maraykanka ayaa noqonaya Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Madaxa hawl-galka Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay ka waddo Soomaaliya.

Swan ayaa inta badan wakhtigiisa geliyey arrimaha Afrika, waxaanu inta badan ahaa Safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ergayga la Magacaabay kuma cusba Soomaaliya, waxaanu Ergayga Maraykanka ee Soomaaliya ahaa intii u dhaxaysay August 2011 illa july 2013, sida ku sugan Website-ka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka.

doorkiisii diblumaasiyadeed, kii Amni iyo Xasilintiisu waxay dhiiri-gelisay oo Natiijadeedii noqotay in 20 sanadood ka dib Maraykanku aqoonsado Soomaaliya, sida lagu yidhi, Qoraal ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku.

Swan wuxuu Maraykanka safiir uga soo noqday Dalalka Jabuuti iyo Kamaruun, sidoo kalena wuxuu noqday ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Afrika ee Maraykanka, intii u dhaxaysay 2006-2008-kii, waxaanu xilligaa dusha kala socday siyaasadaha iyo Mashaariicda Maraykanku  ka waday 23 Waddan oo Africaan ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay oo ka hadlay Magacaabista Swan ayaa sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan isugu duwi doono hawlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: