Nin Somaliland Ka Soo Jeeda Oo noqday Shirgudoonka Cusub Ee Labada Gole Baarlamaan Ee Soomailya

Muqdisho (DMG)- Xildhibaanada cusub ee Labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya ayaa manta lagu dhaariyey magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanada cusub ee labada aqal ayaa dhaarta ka dib doortay  shir gudoonka hogaamin doona fadhiyada soo socda ee labada gole.

Xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaliya ayaa gudoomiye u doortay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah xildhibaanada deegaan ahaan ka soo jeeda somaliland, kaas oo lagu soo xushay inuu noqday xildhibaanka ugu da’da weyn ee ku jira xubnaha aqalka hoose.

 

Sidoo kale xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaliya ayaa gudoomiye u doortay xildhibaan Maxamed Xuseen Raage oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

 

Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka somaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo ka hadlay furitaanka fadhiyada xildhibaanada cusub ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay xubnaha cusubi gudoomin doonaan fadhiyada labada gole ilaa inta laga soo dooranayo shir gudoon rasmi ah, waxaanu xildhibaanadii la soo shaqeeyey ka codsaday inay iska cafiyaan haddii wax khalad ah uu sameeyey mudadii uu hogaaminayey.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: