“Nalaguma Canaanan-karo, nalaguma Ceebeyn-karo Masiibadaa Qaran ee Ilahay keenay” Maxamuud Xaashi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland + Muuqaal

Caynaba (Dhamaysnews )- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglatoosiye ayaa xidhiga ka jaray Cisbitaal kaga hir galiyey Demada Caynaba.

 

Cibitaalkan ayaa waxa maalgalisay Dawladda Imaaraadka Carabta, isla markaana ay fulisay Mu'asasatul Maxamed binu Raashid Ala maktuum ayaa xadhiga laga jaray maalintii shalay, waxana munaasibad loo qabtay furitaanka cisbitaalkaasi ka hadlay madax ka tirsan Xukuumadda JSL.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa Madaxtdii munaasibadaasi ka qayb gashay ayaa ka hadlay muhiimada wuu cisbitaalkaasi leeyahay waxaanu yidhi “ Waxaanu maanta cisbitalkan u dadajinay furitaankiisa xaalada abaaraha ee jirta darteed, dhibaato badan ayaa jirta, wakhtiga abaarta dadku wuu jilcaa, xanuunka ayuu u nuglaadaa, nafaqo darro ayaa caruurta iyo waayeelka ku dhacda, tabaalo iyo taws ayaa jirta, waxaanu xooga u saarnay cisbitaalkan sidaa, qorshaha qarankan ayaa lagu daray inuu maanta hirgalo xaalada abaarta jirta darteed, wuxuu noqon doonaa cisbitaal shaqeeya ma noqon doono meel inta la furo xaflad iyo warbaahinta laga sheego laga tago oo iska xidhma.” Faah-faahinta warkaasi hoos Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: