Muxuu ka idhi Garsoore Mahad Jawaase Tartanka Kubadda Cagta ah oo Ka Socoda Hargeysa

Garsoore Mahad Maxamed Xasan (Mahad Jawaase)
 

Garsoore Mahad Maxamed Xasan (Mahad Jawaase), oo ka mid ah Garsoorayaasha Kubada Cagta, isla markaana ah Guddoomiyaha tartanka kubada cagta ee ka socda Garoonka Xawaadle, ayaa ka war bixiyey tartankan iyo ujeedada ay u qabteen, waxaanu sheegay in tartan ujeedadiisu tahay is dhexgalka dhalinyarada iyo la dagaalanka qabyaalada.

Garsoore Mahad Maxamed Xasan (Mahad Jawaase), ayaa sidoo kale ku taliyey in sare loo qaado tayada Garsoorka ciyaaraha ee Somaliland, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya tartankan “Tartankan aanu ku qabanay Garoonka Xawaadle, waxaanu u qabanay 12 kooxood, oo ka tirsan kooxaha Caasimadda Hargeysa, ujeedada aanu u qabanayna waa is dhexgalka dhalinyarada iyo la dagaalanka qabyaalada, tartankan intii uu socday si fiican buu u socday, haddana waxa lagu jira oo la ciyaaraya wareegii ugu dambeeyey, dhawaan ayaana la soo gabagabeeyn doonaa, haddii ALLE idmo”.

Garsoore Mahdi Jawaase ayaa isagoo ka hadlaya tayada Garsoorka Ciyaaraha Somaliland wuxuu yidhi “Garsoorayaasha Ciyaaraha Somaliland, runtii tayadoodu aad bay u fiican tahay, balse sidaas oo ay tahay haddana waxaynu u baahan nahay in sare loo qaado tayadooda, oo Tababaro dheeraad ah la siiyo”.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: