Muwaadiniinta Somaliland Ee Muqdisho U Doonanaya Baasaaboorrada Oo Sii Kordhaya & Sababta

Hargeysa (Dhamays) – Dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan Dadka doonaya inay Safarro Caafimaad, Waxbarasho ama Ganacsi ugu baxaan Dalalka Dibedda, ayaa dhibaato ka haysataa Baasaaboorkii ay ku dhoofi lahaayeen, maaddaama oo Dalalka Adduunka badankooda aan laga aqoonsanayn Baasaaboorka Somaliland.

Muwaadiniinta doonaya inay Safarro ugu baxaan Dalka Dibeddiisa, ayaa wakhtigan la kulmaya dhibaato xoog leh oo ah in aanay haysan Baasaaboorro ay ku dhoofaan, taasina waxay keentay in intooda awoodaysaa ay Safar u galaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ee Soomaaliya si ay u soo qaataan Baasaaboorka Soomaaliya, halka kuwo aan awooddinna ay Cabasho ka muujiyeen Go’aankii Xukuumadda Somaliland ku mabnuucday in Baasaaboorka Soomaaliya lagu sameeyo meelo ka mid ah Somaliland wixii ka dambeeyay bishii February ee Sannadkan.

Shir-jaraa’id oo Wasiirrada Wasaaradaha Duuliista Farxaan Aadan Haybe, Arrimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon), Taliyaha Booliiska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ay si wada jir ah ugu qabteen Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Magaalada Hargeysa bishii January ee Sannadkan, ayaa waxay ku sheegeen in wixii ka dambeeya bishii January aan Somaliland gudaheeda lagu samayn karin Baasaaboorka Soomaaliya, Ciddii u baahanna ay tagaan Dalka Soomaaliya oo ay soo qaateen.

“Baasaaboorka lagu soo sameeyay Soomaaliya wuxuu la mid yahay Baasaaboorka Danish-ka, ama ka Itoobiya ama ka Jabuuti, laakiin Baasaaboor Dal kale oo Dalkeenna gudihiisa lagu sameeyay sidaa wasiirku sheegay waa Mabnuuc.”ayuu yidhi, Wasiirka Duulistta Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo Shirkaa Jaraa’id ka hadlayey.

Wasiirku wuxuu Wakhtigaa sheegay in Somaliland gudaheeda lagaga dhoofi karo, laguna iman karo Baasaaboorka Soomaaliya ee gudaha Somaliland lagu sameeyay wixii ka horeeyay ee bishii January ee Sannadkan, laakiin wixii ka dambeeya Ciddii doonaysaa ay u doonan karaan Dalka Soomaaliya, “Waxaanu u soo rarnay Muddadii hore loo Mabnuucay baasaaboorka Soomaaliya ee gudaha Somaliland lagu sameeyo ee aanu uga dhignay (Mabnuuciddiisa) laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee January si aanu ugu fududayno Dadkii hore ee qaatay oo aanu dhib uga iman, kuwa qaadan doonana ay fursad u siiso inay meelaha kale ee Dalka Soomaaliya ee Baasaaboor-kaa leh uga soo qaataan, dabadeedna sidii Dal kale Baasaaboorkiisa ay si sharciya ugu soo galaan Dalka.”ayuu yidhi.

Hadalka Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa waxa uu horseeday in Muwaadiniin badan ay Dantu baddo inay u safraan Dalka Soomaaliya si ay u soo qaataan Baasaaboor ay Dalka Dibaddiisa ugu safraan, kuwaasi oo maalin maalinta ka dambaysa tiradoodu sii badanayso, taasi oo Sawir khaldan ka bixinaysa Jiritaanka Somaliland, maaddaama oo Muwaadiniin badan si maalin leh ah Baasaaboorro ugu doontaan Xamar iyo Garoowe, halka Wakhtiyadii Dalka gudihiisa sida Dhowrsoon loogu samayn jiray aan la dareemi jirin baahida Shacabku u qabaan Baasaaboorka Soomaaliya.

Go’aanka Xukuumaddu ku mabnuucday Baasaaboorkii Soomaaliya ee Dalka gudihiisa lagu farsamayn jiray, ayaa marka si loo eego Xoojinaya Awoodda Dawladnimada Somaliland iyo Qaddiyadda Gooni-isku-taagga, laakiin waxa Shacabku tabayaan waxa Xukuumaddu ugu beddeshay Baasaaboorkii ay Mabnuucday, haddaan Dalal badan lagu tagi karin Baasaaboorka Somaliland.

Baahida Shacabka Somaliland u qabaan Baasaaboorka Soomaaliya, ayaa sii kordhi doonta bilaha soo socda, maaddaama oo badhtamaha Sannadkan uu ku beegan yahay Xajku, laakiin Dadka qaarkood baa qaba in sida ay hadda wax u socdaan ay kaga wanaagsanaan lahayd in la fasaxo Goobihii qarsoodiga ahaa ee lagu samayn jiray, si muwaadiniintu uga waantoobaan safarka ay ku tagayaan Soomaaliya.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office
 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: