Murankii Xeerka Baananka Ganacsiga Oo Mar Kale Ka Dhex Bilaabmay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Dhamays) – Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 33-aad ee Golahaasi, kaasi oo uu ku jiro Xeerka Baananka Ganacsiga.

Fadhiga lagu ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 33-aad oo uu Guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ogolaaday 26 Mudane, waxaana diiday 11 kale, halka aanu Guddoomiyuhu ka codeynin, sida codeynta ka dib uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad “Ajandaha Kalfadhiga 33-aad waxa Cod gacan taag ah ku meel mariyay 26 Mudane, waxaana diiday 11 mudane waxaana ka aamusay Shan Xildhibaan, Guddoomiyahuna ma codaynin.” Ayuu yidhi.

Intaan la ansixin Ajandaha waxa fadhiga buuq ka sameeyay Xildhibaanno diiddan in Ajandaha la ansixiyey lagu soo daro Qodobka ka hadlaya Xeerka Baananka Ganacsiga oo ay aaminsan yihiin inuu ogolaanayo in Somaliland laga furo Baanan ku shaqeeya Nidaam aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn oo Ribo ah, laakiin markii la ansixiyey ka dib, waxa si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay Xildhibaanno diiddanaa in Xeerka Baananka Ganacsigu qayb ka ahaado Ajandaha kalfadhiga iyo kuwo taageersanaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha ogol Xeerka Baananka Ganacsiga ayaa yidhi, “Xeerkani Afartii Sannadood ee u dambeeyayba Ajandaha wuu ku jiray, Ajandahana wuxuu ugu jiray inuu Golaha hor-yimaaddo, waa laga dooday, dabadeedna in loo codeeyo oo la ansixiyo ayuu u yaallaa.”

Xildhibaanku wuxuu ku dooday in Baananka Islaamiga ah iyo kuwa Nidaamka Ribada ku shaqeeya looga baahan yahay Somaliland, “Baananka Islaamiga ah iyo kuwo Ganacsigaba Caalamka waa looga baahan yahay oo Mushkilad uma arko, Ummad faquuqan oo Cidlo ku xidhan ma nihin, Deyn baynu qaadanaynaa oo Caalamka ayaynu la macaamilnaa, sabab loo diido oo looga hor-yimaaddo ma jiro, Waayo? Baananka kale ee Islaamiga ahba waxa ku jira 13% Ribo ah.” Ayuu yidhi.

Laakiin, Aragtida Xildhibaan Caalin mid ka soo horjeedda waxa qaba Xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable oo yidhi “Muslimka wixii Dusha laga saaraa waa xaaraan Maqdac ah, ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ha keento Waraaq ay leedahay Golahoow waxaasi waa xalaal ee fuliya, hadduuse keeni waayo waxay ku soconaysaa sida ILAAHAY iyo Dastuurku yidhaahdeen.” 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: