MURAAD: Maanso Uu Curiyey Ab. Yuusuf Saleebaan

Anigoo ah yuusuf saleebaan ducaale maansadan waxaan curiyey taariikhdu markii ay ahayd 27 July 2017. Maansadan waxa aan curiyey anigoo anbaqaadaya maansada miimleyda ee uu ibo furay Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ka dib markaan dhagaystay hal abuur badan oo siyaabo kala duwan uga jawaabayaa maansadiisa iyo musuqmaasuqa baahsan ee uu tibaaxay abwaanku.

Maansadu sida aad ka dheehan karto tuducyada ay ka kooban tahay waxa ay tilmaamaysaa wakhtigan la joogo waxa loo raadsado mansab iyo musuqmaasuqa baahsan ee hantida dadweynaha iyadoo aanay jirin dabagal, isla xisaabtan iyo nidaam hanti dhawr oo lagula xisaabtami karo dadka mansabka siyaasadeed ka haya dalka.

Waxa kale oo wax laga yaqyaqsoodo ah in nidaamka ama shaqsi in la dhaliilo sida ay dad badani uga soo horjeedaan iyagoo ka horaysiinaya danta dadka iyo dalka tooda gaarka ah ama xidhiidhka ka dhaxeeya cid gaar ah, balse ay moogan yihiin in danta guud oo hagaagta ay uga wanaag badan tahay si kasta oo kale oo dantooda gaar ugu fulayso.

 Maansadan giraantee

Ninba meel u jeedshee

Muraadkeedii toosnaa

Maangaab saluugee

Ma hubsade ku miigtee

Maan booglayaashii

Malaxdii ka buuxdiyo

Mililkoodii damaqdee

Maadaysi laga dhigay

Ninka maanso yahankee

Qoraxdoo mudh soo tidhi

Sacabada ku moosee

Marshay waa habeenimo

Bal malee kaskiisoo

Maxay kuula eeg tahay

Musuq aan midkii galay

Ka Mildhaawin sheegii

Misna uu mudnaaniyo

Mihnad uu la gaaryiyo

Maamuus ku yeeshoo

Tolku kuba majeertaan

Ninka maro ku dadayee

Macne kale u yeelow

Mooganaani ka dheer

Waad se marin habowdee

Dadka maamul baa haga

Mareeya garashada

U macneeya waayaha

Muhashada kashoodiyo

Mililica ishoodiyo

Waxay male ku doonaan

Hindisaha u meel daya

Mututuulka dhaayaha

Sawir muuqda uga dhiga

Marin toosan mariyoo

Maalmaha qorsheeyoo

Kala miira aragtida

Milgahooda dhawroo

Mahuraan ka aayaha

Dhaxal muuqda uga taga

Maynu noqon kuwaasoo

Maalmayno joognaa

Inaad muruqa maashoo

Maal xalaala doontiyo

Inaad maal la sooftaba

Dadka kala macaan tahay

Mansab muran ku doonoo

Maamuus ku raadsoo

Magac weyn ku yeeloo

Maatida ku booboo

Madadaali shacabkoo

Afar aad masruuftoo

Dadka kuu macneeyoo

Mufti iyo masuul qaran

Mar la arag inaad tahay

Mahwiyada ka sheegoo

Miiganaynin beentoo

Marganaynin xaaraan

Meel uun ka doonoo

Maykrafoonka hororsoo

Xaflad uun maluugnow

Alalaas mashxaradeed

Maamuus ku doondoon

Hadba boqol macsuumoo

Qurba joogta muunee

Midhadh haybta guudiyo

Magta aad wadaagtaan

Maqaarsaar ka dhigo oo

Mansab aan hore u jirin

Iyo shaqo ninkii mudan

Male lagaga qaadiyo

Mashaariic la doondoon

Macal qabadka kaa qaadoo

Keligood macaash sii

Inta kale midh haw qaban

Ha ag marin muhiimkiyo

Hawlaha mudnaanta leh

Macaluusha hogashada

Iyagoo madluunoo

Haraad ay melaganyiin

Cudurana malgeen badi

Moodharada mukeefka leh

Ku mushaax dhexdoodoo

Marin jay ku saydh saydh

Marna gado ma guurtada

Ma huraanka yurub mood

Masiibada haleeshiyo

Balaayada maduurtiyo

Mashaqada duraysiyo

Ku maxaabso daranyada

Naar eebe mooyee

Mase lihid canaanoo

Sharka aad maleegtiyo

Maalkaad xadaysiyo

Beentaad maloostiyo

Mukurka iyo tiiqsiga

Maxastaad qoqobayseed

Qololo u moosteed

Damiirkooda maydhaa

Kugu simay muraadsiga.

 Dhammaad

Maansadan Waxa Curiyey Abwaan Yuusuf Saleebaan Ducaale 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: