Muqdisho: Saddex Qarax Oo Dilay 20 Qof

Muqdisho (Dhamays) – Labo Qarax oo is xig-xigay ayaa dilay ku dhawaad 20 ruux magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Danbi- baadhista CID-da.

Wax ka yar 20 daqiiqo kaddib sidoo kale isla goobta waxaa ka dhacay Qaraxii saddexaad sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

‘’Dadka dhintay waxay u badnaayeen dad rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha oo markaa waddada marayay, ‘’ sidaa waxaa yidhi Cali Nuur oo ah Afhayeen u hadlay Booliiska Soomaaliya.

Wariyayaal tagay goobta ayaa sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 20 ruux, la socday gaadiid kala duwan oo goobta marayay, sidoo kale waxaa jiray dhaawacyo ay qaadeen shaqaalaha gargaarka deg dega ah.

Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay in bartilmaameedka Qaraxan uu ahaa hotelka Saxafi oo ka soo horjeeda xarunta Dabi –baadhista.

Hotelka Saxafi ayaa wax badan ka fogeyn Isgoyska Zoobe oo 14kii bishii October ee sanadkii hore 2017da uu ka dhacay Qarax galaaftay nolasha dad ka badan 600 oo ruux.

Masuuliyadda Saddexdan Qarax ayaa waxa xilli dambe oo Caawa ah sheegatay Kooxda Al-shabaab.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: