Muqdisho: Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Jidka Makka Al-mukarrama

Muqdisho (Dhamays) – Qarax Culus ayaa goor dhawayd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay Waddada Mashquulka badan ee Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow meesha loo yaqaanno (Tre Piano).

Warbaahinta Dawladda Soomaaliya ayaa War hor-dhac ah oo ka baahiyeen Qaraxa, waxay sheegeen in Gaadhiga Qarxay uu yaalay Waddada dhinaceeda isla-markaana uu yar yahay khasaaraha ka dhashay.

Idaacadda Radio Muqdisho, oo xiganaysa Saraakiisha Ammaanka ee Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in Qaraxa ay ku dhinteen Laba Qof oo marayey halka Qaraxu ka dhacay, inkasta oo aanay faahfaahin inay jiraan Dad ku dhaawacmay ama Khasaare kale.

Ciidamada ammaanka ee Dawladda ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo halkaasi ka wada howlo baadhitaanno ah.

Illaa haddana lama oga Cidda ka dambaysa Qaraxan, wallow Qaraxyada noocan ah ay Al-shabaab Caan ku tahay.

La Soco Sawirrada Qaraxa iyo faahfaahintiisa kale

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: