MUQDISHO: Magacyada Xubno Reer Somaliland Ah Oo Ku Tartamay Saddex Kursi Oo Aqalka Hoose Ah

Muqdisho (Dhamays) – Doorashada Xubnaha Magaca Somaliland kaga qayb-gelaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta mar kale dib uga bilaabantay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa lagu soo doortay Xubno ay ka mid tahay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hore u ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Doorashadan, ayaa waxa Xildhibaannada ku soo baxay ka mid ah Muuse Siciid Jaamac oo 48 Cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2 Cod, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo 45 Cod kaga guuleysatay Ismaaciil Xasan Jaamac oo helay hal Cod, halka Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Caasha Aadan Yuusuf oo Foosiya la tartamayey aanay wax Cod ah helin.

Kursiga Saddexaad ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka ee Dadka ka soo jeeda Somaliland waxa ku tartamay Ridwaan Xirsi Maxamed, Shukri Faarax Cilmi, Baarliin Xasan Qalinle iyo Cabdifataax Ismaaciil Daahir, waxaana Kursiga Saddexaad ku guuleystay 46 Cod Cabdifataax Ismaaciil Daahir.

Laakiin, Suldaan sheegay inuu Beelaha Isaxaaq iyo Cali Siciid (Habar Yoonis) u qaabilsanaa soo Xulidda ergooyinka dooranaya Xubnaha uga qayb-galaya Aqalka hoose oo doorashadaasi ka dib, la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Doorashada Xildhibaannada Foosiya ka mid tahay aanay sax ahayn, waxaanu Guddida Doorashada ku eedeeyay inay Doorashada u qabteen ergooyin aan ahayn kuwii uu isagu soo xulay.

Suldaanku wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Doorashada Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanu tilmaamay inay Foosiya u codeeyeen Dad aan reer Somaliland ahayn, sidaa darteedna wuxuu ku baaqay in Kursiga ay ku guuleysatay la hakiyo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: