Munaasibad Lagu Taageeray Marwo Saamiya Muuse Oo U Sharraxan Golaha Deegaanka Helsinki Finland + Video

Helsinki  (Dhamays) – Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad lagu taageerayo Marwo Saamiya Muuse oo ah Haweenay Soomaaliyad ah oo u sharraxan inay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland.

 

Munaasibaddan oo ay soo buux-dhaafiyeen Taageerayaasha Marwo Saamiya Muuse oo isugu jira Soomaali tiro badan iyo Dad Caddaan ah oo ay ka mid yihiin dhammaan Madaxda sare ee xisbiga SDP, sida Guddoomiyaha Xisbiga SDP ee laanta Kontula -Mellymäki Mr Jouni Onni Autio, Sara Latifzei Obaidi Salam Aliraqi iyo weliba Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xisbigaasi

 

Dadweynaha ka soo qayb-galay Xafladda taageerada ah ee loo qabtay Musharrax Saamiya Muuse, ayaa Saamiya ku sifeeyay Shaqsi ku habboon inay ka mid noqoto  Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Magaalada Helsinki, iyagoo ugu baaqay Dadka Soomaalida ah iyo kuwa kaleba inay codkooda siiyaan Marwo Saamiya, “Waxaanu doonaynaa in Wiilasha iyo Gabadha iyo Guud ahaan Dadku iyagoo isku duuban inaynu deegaanka Kontula ka soo saarno Marwo Saamiya, waayo? Saamiya waa Hooyo haysata Carruur oo hadday inoo soo baxdo (wax badan ayay inoo qabaneysaa), sidaa darteedna Guul baan u rajeynayaa Marwo Saamiya.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenka ku jira Taageerayaasha Soomaalida ah ee Xafladdaa ka hadlay.

 

Guddoomiyaha xisbiga SDP oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Soomaalida haysta Dhalashada Finland ugu baaqay inay Codkooda siiyaan Marwo Saamiya, si ay ugu soo baxdo Doorashada Golaha Deegaanka ee Magaalada Helisinki, isagoo sheegay in Musharraxad Saamiya tahay Qof wax badan u qaban doonta Soomaalida reer Finland.

 

Sidaasi oo kale, ayaa Masuuliyiin tiro badan oo Caddaan iyo Madow iskugu jira oo halkaa ka hadlay waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin Marwo Saamiya hadday soo baxdo inay wax badan u qaban doonto Soomaalida ku dhaqanka Dalka Finland, halka Dadkii kale ee Soomaaliyeed ee Xafladda ka qayb-galayna ballan-qaadeen inay garab istaagayaan Marwo Saamiya isla-markaana Cududdooda oo dhan iskugu geynayaan sidii Musharraxad Saamiya Muuse uga mid noqon lahayd Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Finland ee Helizinki.

 

Ugu dambeyn, Musharraxad Saamiya Muuse oo Dadweynihii ka soo qayb-galay Xafladda lagu taageerayey u jeedisay hadal ku saabsan Doorashada iyo sida Dadka Soomaalida ah ee ku nool looga baahan inay codkooda dhiibtaan ee aanay guryahooda iska fadhiyin ayaa tidhi, “in badan baa la inna yidhi Soomaalidu way isa soo sharraxaan, laakiin ma soo baxaan oo Musharraxiinta ayaa la eedeeyaa, laakiin Bulshada ayaa laga rabayaa inay Musharraxiinta kala doortaan, Codadka Guryaha lala fadhiyaana waa Codad faa’iido ah oo aad Ubadkaaga ku bedbaadinaysid, Adiguna xuquuqdaada ku bedbaadinaysid.”

 

Dalka Finland oo la sheegay inay ku nool yihiin Dad ka badan 18 kun oo Soomaali ah, ayaa waxa Doorashada Goleyaasha deegaanka oo Dalkaa ka dhacaysa 9-ka bisha April ee Sannadkan isku soo sharraxay in ka badan 20 Qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo Marwo Saamiya Muuse ka mid tahay., Fadlan Muuqaalka Warkaasi Hoos Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: