“Mudane, Madaxweyne Hadii Maxtooyada Laba Neef Oo Moofaysan Lagu Cuno, Somaliland Waxay maraysaa Halkii Ugu Dambaysay” Gudd, Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani

Hargeysa (DMG)- Garabka dhallinyarta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta deeq lacageed oo dhan 2,500,000 Sl/Shilling(Laba Milyan iyo Shan Boqol oo Somaliland Shilling ah) gaadhsiiyey qoyskii danyarta ahaa ee dhawaan wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka hawl-gala warbaahinta Somaliland uu soo tabiyey in ubadkoodii lacag la’aan awgeed loogga soo caydhiyey dugsi waxbarasho oo ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Waxaana wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo sida oo ay wehelinayaan Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha arrimaha dibadda Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xoghayaha cadaaladda Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, guddoomiyaha garabka dhallinyarta Md.Maxamed Siddiiq Dhamme, Xoghayaha garabka dhallinyarta Md.Aftax Siciid Jaambiir, hoggaanka Maaliyadda garabka dhallinyarta Maxamed Muuse Tiyo, ay dhammaantood ba booqasho ugu tageen guriga qoyskaas danyarta ah oo ku yaala xaafadda Maxamed Mooge.

Booqashadan oo daarneyd siddii ay taakuladan lacaggeed u gaadhsiin lahaayeen sida oo kale na ay xog-oggaal ugu soo noqon lahaayeen xaaladda nololeed ee qoyskaas danyartaa ah, Faah-faahinta Warkaasi Halkan hoose Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: