Mudaharaad Maanta Ka Dhacay Burco

Burco (Dhamay) – Dadweynaha Cadhaysan, ayaa Maanta Mudaharaad ka dhigay Magaalada Burco, gaar ahaan halkii ay ahaan jirtay Xero-dhiigtii hore ee Xoolaha lagu qali jiray.

Dadka oo u badnaa Dumar iyo Arday xidhan Direyskii Dugsiyada Waxbarashada ay dhigtaan, ayaa Taayiro ku gubay Dhulkii ay Xero-dhiigtu ahaan jirtay, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan in Cid gaar ah Dawladda Hoose ee Burco iyo Maamulka Gobolka Togdheer ka iibiyeen Dhulkii Danta Guud ee Xero-dhiigtu ahaan jirtay, waxayna intii Mudaharaadkoodu socday ay burburiyeen Seesas halkaa ka dhisnaa.

Haween ka mid ah Dadka Mudaharaadayey oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maamulka Degmadu ay Dhulkii Danta guud ee Xero-dhiigtu ahaan jirtay ay Maalinba qayb ka iibinayaan Dad ka yimid Qurbaha, “Intay soo yaaceen ayay kii Finland ka yimid iyo kii Maraykanka ka yimid ayay Maalinba Baloodh goosanayaan Dhulkii Danta Guud, ina Muraad-baana ugu xun Dadka oo dhan (Maayarka Burco) iyo Ramaax.” Ayay tidhi mid ka mid ah Haweenka Mudaharaadayey, waxayna intaa ku dartay “Anigaa Cirada leh ayaa halkan ku dhashay, markaa halkay u soo mareen Dadka iibsanayaa. Haddaydaan meeshan sidaa u dhaamin, Waalla is cunayaa..”

Rag iyo Haween kale oo iyaguna Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aanay marnaba Raali ka noqonayn in Dhulka Xero-dhiigta oo ah Dhul Dan-guud ah laga iibiyo ama la siiyo Dad Ganacsato ah, waxayna Dawladda dhexe ka codsadeen in wax laga qabto Boob ay sheegeen in Dhulkaa lagu hayo.

Mudaharaadkan ayaa qayb ka ah Khilaaf Bilihii u dambeeyay ka taagnaa Dhulka Danta Guud ee Xero-dhiigtii hore, halkaasi oo Dawladda Hoose ee Burco ka joojisay in Xoolaha lagu qalo, iyadoo samaysay Xero-dhiig kale.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: