Mid Waan Fahmay, Walise Mid-baanan Fahmin

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Mid waan fahmay, waa su’aal aan isweydiin jiray oo ku saabsanayd, ma dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa ku badnaa? Waa maxayse xikmadda ku jirtay in Boqortooyada Ingriisku ay  magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka dhisto cusbitaal qudha oo lagu daryeelo caafimaadka dadka qaba xannuunka dhimirka 70 sannadood ka hor?

Sida ay xaqiiqdu tahay magaalada Berbera may ahayn goob ay ku badnaayeen dadka qaba xannuunka dhimirka, laakiinse iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo loo adeegayaasha iyo la daryeelayaasha, ayaa markii la diyaarinayey hindisaha qorshaha loogu tallogalay cusbitaalkaas, lagu ogaaday xoggo tibaaxaya in dadka dhimirka qabaa ay intooda badan iska saaraan maryaha ay gashan yihiin, isla markaana ay ku keeni karto xannuun labaad oo uu weheliya bukaankii laga daaweynayey xannuunka dhimirka xilliyada qaboobaha, iyadoo la eegayey dhinaca cimilada saameynta toggan ku yeelanayso dadka qaba xannuunka dhimirka, ayaa sabab u ahayd in laga binneeyo cusbitaalka waalida magaalada Berber ee gobolka saaxil.

Midna waan fahmay inay tahay caado soo jireen ah, in marka ay qoraxdu soo baxdo la muujiyo calanka astaanta qaranka, laakiinse waa la muujin lahaa calanka habeenkii, waa haddii si fiican loo iftiimin karayo saacadaha gudcurka ee  ku jira habeenka.

Hasayeeshee, waxa aan weli  fahmi la’yahay sababta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u arki la’yahay dulmiga iyo caddaalad-darada ay  qaar ka mid ah Wasiirrada uu u soo wakiishay Wasaaradaha dalku ay kula dhaqmaan shaqaalaha dowladda?

Waxa jira in qaar ka mid ah Wasiirrada iyo masuuliyiinta dowladdu ay magacaabaan dad shaqaale  cusub ah ama ay isku hayb-yihiin, kuwaasoo ku cusub shaqada iyo nidaamka shaqaalenimo, iyagoo ay joogaan shaqaale aqoon iyo waayo-arragnimo badan u leh shaqada nidaamka dowladnimo oo ah hantidii ay dowlad lahayd, waxaannay baalmarsan tahay xeerka xuquuqda shaqaalaha dowladda, qoddobkiisa toddobaad, farqaddiisa labaad, xarafkiisa (a) in sida loo kala horeeyo muddada shaqada loogu kala mudan yahay, waxa  kale oo  ay jabiyeen go’aankii madaxweynaha ee ahaa in aan shaqaale cusub la qaadan inta la nidaaminayo shaqaalihii hore uga hawl-gali jiray wasaaraddaha dowlada.

Caddaaladdu waa  iftiinka qoraxda, dulmiguna waa sida gudcurka habeenkii oo kale, haddaba, haddii shaqaalaha dowladda lagula dhaqmo dulmi iyo caddaalad-darro, kama saarayso dadnimadooda iyo waddaniyadooda, laakiise,  masuuliyiinta ku dhaqmaya laftigooda ayey kharibtaa, taasoo saameyn taban ku yeelata hadafka iyo himiladii uu hiigsanayey Madaxweynihii u soo wakiishay mansabka wasiirnimo..

Inkastoo awoodda indhaheena araga aan loogu tallogalin in aynu ku aragno gudcurka, haddana waxaynu sameysannay nalkii iftiimin lahaa gudcurkaas ee aynu wax ku arki lahayn, sababtoo ah maadaama aynu nahay wadanka labaad ee haddii qoraxdu u soo baxdo  iyo haddii ay maqan tahayba la muujiyo oo uu iftiiminaayo towxiidka ku xardhan calanka astaanta qarankooda, haddana in calanka hoostiisa lagu sameeyo dulmi iyo caddaaladd-daro, waa arin fool-xumo ku ah if iyo aakhiraba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, muddane, Muuse Biixi Cabdi.

 

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: