Maxaad Ka Ogtahay Khilaafka Ba’an Ee U Dhexeeya Hogaaminta Xisbiga Kulmiye Ee Magaaloyinka Bristol Iyo Cardif ?

kulmiye-11Xisbiga Kulmiye Laantiis Cardiff Ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey Waxa hadheeyey khilaaf Ba’an oo ku saabsan cidii hogaamin lahayd laanta gobolka Wales ee dalk UK ee ay casiamda u tahay magaalada Cardiff ayaa haantan ku soo gabogaboobay in taageerayaasha Kulmiye ee laantaasi isk uafgartaan cidii hogaamin lahayd.

Khilaafka ayaan inta aan la soo gabobayeyn la sheegay mid ay saamaynt ugu weyn ku lahaayeen madaxda xisbbiga Kulmiye ee xarunta dhexe ama hogaanka guud, siiba gudoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo la sheegay in doonayey in uu u soo magacaabo xubin ay isku hayb yihiin oo uu dusha kaga keenayey laantan iyo sidoo kale loolan u dhaxeeyey xubnihii hore ee laanta xilal uga soo qabtay iyo xubno cusub oo la jaan qaaday gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ilaa iyo intii uu musharaxa xisbiga noqday.

Hase ahaatee gudidii loo magacaabay xisbiga Kulmiye laantiisa Wales ayaa kala ah sidan:

Khadra Ibrahim Warsame

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Wales

Mahdi Ibrahim Hassan

G/Xigeen 1aad

Ahmed Muse

G/Xigeenka 2aad Faysal

Isse Geljire  – Xoghaye

Ali Farah Xadhigle – Afhayeen

Haji Omar osman Hassan -Xidhiidhiye

Cabdulqadir Maxamuudd Jabuti

Khasnaji Mustafe Nadalo  Xoghayha Saxaafadda

Farhan Hussein  -Garabka Dhalinyarada

Amina Jama Mumin  – Garabka Haweenka

Kinsi Muse Hayan – Xubin

Yassin Isse Hassan –  Xubin

Libaan Nugaal-  Xubin

Maxamed Adan Jamaac -Xubin

Sida Hadhwanaagnews ay u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gudida , waxa magacaabista gudidan ay horseed u tahay in dardar dib loo galiyo xisbiga Kulmiye oo taageero laxaadle ku leh guud ahaanba dalka UK, magaalada Cardiff na ay tahay magaalada aan xisbi kale ugu iman.

Xaalada Xisbiga Kulmiye ee magaalada Bristol

Ka sokow dib isku habaynta taageerayaasha Kulmiye ee gobolka Wales ee UK, ayaa waxa taa badalkeeda magaalada Bristol oo ka mid ah gobolka England isla markana la daris ah magaalada Cardiff dhank deegaanada Koonfur Galbeed ee UK, ayaa waxa magaaladaas haatan ka taagan loolan horleh oo u dhexeeya laba garab oo kala jiidanaya hagista laanta Bristol ee Kulmiye.

Loolankan oo qaab aan hore u dhicin u jira ayaa ah mid ay keentay xuubsiibasho cusub oo laanta ku socota, taas oo dhinacyo darban oo midba midka kale ka riixanayo hogaminta laanta Bristol ay ku muransan yihiin.

Murankan ayaa gaadhay heer ay xubno gacanta iskula tagaan, iskuna geystaan nabaro. Xaalada xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa Bristol ayaa ah mid aad u murugsan oo sida ay noo sheegeen qaar ka mid ahi u baahan gurmad si loo kala badbaadiyo xubnahay xisbaiga ee loolanka adagi ka dheexxyo iyo in uu ay laantu gasho xaaladii ay Cardiff ka soo kabatay, taas oo haddii aan hore wax looga qaban saamayn weyn ku yeelan karo dhismaha xisbiga ee UK.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: