Marxuum, Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magalada Jigjiga + Sawirro

Jigjiga (DMG) -Alle ha u naxariistee Waxa Jimcihii 21-06-2019 Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda Soomalidda Itoobiya aas Qaran loogu sameeyay, Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) oo dhawaan ku Geeriyooday Magaalada Addis Ababa.
Meydka Marxuumka ayaa waxa Diyaarad lagaga soo qaaday Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalkassi Itoobiya, Iyada oo Maydka Abwaanka Xabaalihii lagu aasayey ay u sii galbiyeen Ciidammada Amniga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Aaskan qaran ee loo Sameeyay Alle Ha U naxariistee Marxuum Sangub ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal qof oo oo kamida ah Hal-doorka Bulshada Soomaaliyeed, Abwaano iyo Fanaaniin caan ah, kuwaasi oo ka kala yimid guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar oo Xukuumaddiisu ka shaqaysay in si Maamuus leh loo aaso Abwaanka ayaa halkaa Hadal ka jeediyey,isaga oo Geerida Abwaan Sangub, ka Tacsiyadeeyay Eheladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Ergooyinka Aaska ka qayb-galay oo ka kala socday Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Meelo kale oo badan ayaa buux dhaafiyey Garoonka diyaaradaha ee Meydka laga soo dejiyey iyo Agagaarka Xabaalihii lagu aasayay.
Boqolaalka Qof Iyo Haldoorka Somaliyeed ee ka qayb galay Aaaska Marxuum Abwaan Sangub ayaa waxa ay muujinaysaa qiimaha iyo qadarinta uu ku dhexlahaa Ummadda Soomaaliyeed.

Wax kale oo wajiyadda dadkaas Faraha badan ee ka qayb galay Aaskaasi laga dareemayay sida ay uga murugaysan yihiin Geerida ku timid Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub). Waxa kale oo iyana Xusid mudan, in Naxashka Meydka Marxuumka lagu siday Dusha laga saaray Maro Cad, taasi oo la sheegay in looga jeedo inay astaan u tahay in Marxuumku ahaa Abwaan nabadeed, isla-markaana uu mar walba nabadda ka shaqayn jiray.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: