MARAYKANKA OO MEEL MARIYAY WADA SHAQAYN TOOS AH OO AY WADA YEELAN DOONA CIIDAMADA MARAYKANKA IYO SOMALILAND

BREAKING NEWS –
Arbaca, March 16, 2022
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan kulanka galabnimada maanta, ayaa wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muse Bihi Abdi, iyo Waaxda Arimaha Dibada Maraykanka, Wasaarada Gaashaandhiga iyo Hay’ada USAID, ayaa waxa ay saxiixeen heshiisyo dhinacyo badan.
Heshiisyada maanta oo ah Arbaca, March 16, ayaa waxa ugu horeeyey iskaashiga amaanka iyo dhaqaalaha.
Wararka waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Bihi, uu kulan gaar ah la yeeshay Molly Phee, oo ah Madaxa Xafiiska Afrika.
Kulanka labaad ayaa waxa wada hadlay Madaxweynaha Somaliland,Muse Bihi, oo kaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Gaashaanshiga Maraykanka, iyo sidoo kale, saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Afrika ee loo yaqaano Members of Africa Command.
Kulanka labaad, ayaa waxa saxiixay Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi iyo Ku Xigeenka Madaxa Ciidamada Maraykanka u jooga Afrika Kirk W.Smith.
Kirk W.Smith waxa uu sheegay in si toos ah ay u wada shaqayn doonaan, isna kaashan doonaan ciidamada Maraykanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland., iyaga oo hawshooda ay noqon doonto la dagaalanka argagaxisada iyo ilaalinta badaha, iyada oo tan ay tahay markii ugu horaysay taariikhda abid ee Maraykanka uu toos ula shaqeeyo xukuumada Hargeisa.
Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee uu Maraykanka uu si toos ah ula shaqeeyo Ciidamada Amaanka Somaliland ee la dagaalanka argagaxisada iyo ilaalinta badaha.
War Murtiyeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka iyo sidoo kale, xubno ka tirsan Taliska Afrika ayaa waxa lagu cadeeyey in wada- shaqayn toos ah ay yeelan doonaan Ciidamada Maraykanka iyo Ciidamada Somaliland, iyada oo ay sheegeen in si adag loo adkayn doono amaanka xeebaha Somaliland.
War- Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika, maanta, ayaa lagu shaaciyey kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Bihi iyo madaxda Maraykanka.
Iyada oo Molly Phee oo ah Kalkaaliyaha Arimaha Dibada u qaabilsan Afrika ay sheegtay in ay qaabilayaan Madaxweyne Bihi, iyada oo aan laga bixin xayndaabka Soomaaliya, ayaa sarkaal sare oo u hadlay Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka uu sheegay in Soomaaliya, aan lagu soo qaadin kulanka, sidoo kale, aanay ku jirin heshiiska.Sarkaalka u hadlay Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka ayaa sheegay in marka kaliya ee la soo qaaday Soomaaliya, ay ahayd wakhti la weydiiyey Madaxweyne Bihi hadii uu joojiyay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu markaas ku jawaabay Madaxweyne Bihi “in aanay doonayn in ay sii wadaan wadahadalka Soomaaliya, ayna tahay in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo dhulka Somaliland”.
Heshiisyada degdega loo fulinayo ee qayb ka ah wadahadalada u dhaxeeya Maraykanka iyo Somaliland ayaa waxa ka mid ah in la cusboonaysiiyo Laanta Socdaalka Maraykanka ( Travel Advice and Advisories for United States ),ee Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka, si laamaha socdaalka aduunka loogu sheego iyo khadadka internetka iyo warbaahinta caalamka in Somaliland ay tahay wadan aad u nabdoon oo loo safri karaayo, amaankeeduna uu sareeyo.Somaliland ayaa laga saaray number 4 oo ah number sheegaya in aan loo safri karin Somaliland, taas oo guul weyn u ah Somaliland.
In kasta oo Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka iyo Guriga Cad aanay sheegin wax ku saabsan ” aqoonsi”, ayaa hadana balanqaadka Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka, iyo Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ( Pentagon ),saxiixa iyo heshiisyada ay la galeen Madaxweyne Bihi, ayaa waxa ay ka tarjumaysaa is- badal siyaasadeed oo balaadhan, oo ay la timid dawlada Maraykanka, sida Waaxda Fulinta Sharciyada, oo dhinaca Somaliland la jaanqaadi weyday xubnaha Koongreeska Maraykanka ( U.S Congress ),Heshiiskan cusub ayaa u eg heshiiska uu wax ka badalka uu ku doonaayay Senator Risch, heshiiskaas oo aan la ansixin, ayaa u eg in maanta dawlada Maraykanka oo isku duuban ay aqbashay.