Maqaalkii wax lagaga sheegay Shaqaalaha iyo Masuuliyiintii Hore Ee Baanku wuxuu Ahaa Been Abuur Loo Adeegsaday Muuqayga iyo Magacayga !!

Anigoo Magacaygu yahay Mowliid Aadan Cumar, waxaan halkan ku beeninayaa Maqaalka ku soo baxay Wargeyska Hubaal Cadadkii Sabtidii Shalay (28/04/2018), kaasi oo wax lagaga sheegay Masuuliyiintii hore ee Baanka dhexe ee Khamiistii xilka wareejiyey iyo kuwii ka sii horreeyay ee uu ka mid ahaa Jaamac Cali Cilmi iyo Shaqaalaha Baanka oo lagu sheegay in qaarna lacago la siiyey, qaarna la dallacsiiyey.

Waxaan leeyahay, Qalinkayga iyo garashadayda mid caado uma ah inaan ka daba hadlo Masuul xilka laga qaaday iyo Shaqaale aan ka mid ahaa muddo dheer oo bahdayda ah, sidaasi awgeed inta ku faraxday, inta ka naxday iyo kuwa suuqa Madow Magacayga geeyayba waxaan leeyahay Maqaalkaasi wuxuu ahaa Been Abuur cad oo loo adeegsaday Magacayga iyo Muuqayga.

Ugu dambayn, Wargeyska Hubaal oo uu Maqaalkani ku soo baxay Cadadka Isniinta ayay ku caddayn doonaan Cidda been abuurkan samaysay.

Wa billaahi Tawfiiq

Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: