Magaca Sarkaal Uu Maraykanku Sheegay In Laga Dilay Al-sbabaab

Muqdisho (Dhamays) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu dilay Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal), oo sida ay sheegtay mas’uul ka ahaa qorsheynta dilalka iyo Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay oo ka dhacay agagaarka Tooro-Toorow, waxaana la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha  Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal)”, sidaasi ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu yidhi “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awoodda ay Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalamka guud ahaan”.

Dhinaca kale, war maanta ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (Africom) ayaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya howl-gal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, kaddib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.” ayaa lagu yirdh qoraalka.

30-kii bishan Ugu yaraan 18 askari oo ka tirsan howlaglka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: