Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti Iyo Erateria Oo Kulan Yeeshay

Jiddah (Dhamays) – Waxa Magaalada Jiddah ee Caasimadda Dalka Sucuudiga ku kulmay Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Eratariya Isaias Afwerki.

Kulanka ay labada Madaxweyne Magaalada Jiddah ku yeesheen ayaa hor-dhac u ah kulamo gaar gaar ah loogu kala dab-qaadayo labada Madaxweyne si loo soo afjaro xiisadda iyo muranka dhuleed ee labada dal muddada dheer dhex taallay.

Dhawaan waxaa Jabuuti tagay Wefti heer sare ah oo ka socday waddamada gobolka, waxaana wafdigaa ka mid ahaai wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax, waxayna Magaalada Jabuuti kula kulmeen Madaxweynaha Jabuuti.

Kulanka ay labada Madaxweyne isku Salaameen ayaan la ogayn wixii dheeraa iyo inay si gaar ah u wada hadleen iyo in kale.

Kulamada loogu kala dab-qaadayo labada Madaxweyne, ayaa waxa ka shaqaynaya Dawladda Boqortooyada Sucuudiga oo door weyn ka qaadatay soo afjaridda khilaafkii dhuleed ee Itoobiya iyo Eratariya.

Dawladaha Jabuuti iyo Eratariya ayaa isku haysta Jaziiradda Dumeera badda Cas, waxaana sannadkii 2008-dii dagaal dhex maray labada Dawladood dhulkaa ku qabsatay Eratariya oo Mulkiyaddiisa sheeganaysa, waxayna sidoo kale Jabuuti ka qabatay Ciidamo aan tiradooda la ogayn.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: