Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Saddex Masuul Oo Cusub

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Magacaabay Saddex Xil oo kala duwan.

Wareegtooyin kala dambeeyay oo Maanta illaa Caawa ka soo baxay Madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu wuxuu ku magacaabay Maareeyaha Maal-geshiga ee Somaliland, Safiirka Somaliland ee Dalka Ireland, waxaanu badhasaab ku-xigeen ku-xigeen cusub u Magacaabay Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa Badhasaab ku-xigeen cusub u Magacaabay Gobolka Sanaag, ka dib markii uu Shalay is-casilay Badhasaab ku-xigeenkii hore.

Madaxweynaha ayaa Badhasaab ku-xigeenka cusub ee Gobolka Sanaag u Magacaabay Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), sida lagu sheegay Wareegto uu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay taasi oo u qornayd sidan:-  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Maareeyaha Maal-geshiga iyo  Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ireland.

Wareegtada Xilalkan uu Madaxweynuhu ku Magacaabay oo Caawa soo Gaadhay Dhamaysnews.com ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland.”

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: