Madaxweyne Muuse Biixi Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa + Muuqaal

Hargeysa (Dhamays) – Waxa Magaalada Hargeysa ayaa Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Md. Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ka soo laabtay Dalka Gini oo uu booqasho ku tagay toddobaadkii hore.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dalka Gini ee ay booqashada ku tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyay isla-markaana Madaxweynaha dalkaasi uu ballan-qaaday inuu Qadiyadda Somaliland uu hor-geeyo Ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey boqollaal Dadweynaha Caasimadda ah oo ku soo dhaweeyay Barxadda hore ee Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Dawladdii aanu u tagnay si weyn ayay noo soo dhaweysay, waxayna guddoonsatay inay qadiyaddeena keento Midowga Afrika..”Faahfaahinta warkaasi Halkan Hoose Ka Daawo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: