Madaxweyne Muuse Biixi Oo Salaan ka Sii Dhigtay Somalia Xili uu Weerar Siyaasadeed ku Qaaday Raysal Wasaare Abiye Axmed +Jawaab uu Geele Taliwayay oo uu Madaxweyne Biixi kaga Dhawaaqay Faagaare. Faalo Kooban.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Salaan ka Sii Dhigtay Somalia Xili uu Weerar Siyaasadeed ku Qaaday Raysal Wasaare Abiye Axmed +Jawaab uu Geele Taliwayay oo uu Madaxweyne Biixi kaga Dhawaaqay Faagaare.
Faalo Kooban.
Qalinkii Mustafe Axmed Herer.

Hargaysa(Dhamays)Khudbadii uu Shalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ka Jeediyay Faagaare ku Yaala Badhtamaha Magaalo Madaxda Gobalka Togdheer ee Burco ,Oo uu kaga Hadlaayay Isbadalada Siyaasadeed ee ka Socda Geeska Afrikada Bari oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu Magac Daray Dabaysha Siyaasadeed ee Geesta Afrika,Ayaa Madaxweyne Biixi wuxuu si Qoto Dheer u sharaxay Cida Hogaaminaysa Dabayshaa Siyaasadeed ee Geeska Afrika waxaanu Sheegay in uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dalka Eleteria oo uu sharaxay Taariikh Nololeedkiisa Siyaasadeed iyo Go,Aamadii uu Qaatay iyo waliba Gadoomintii Caalamku Saaray Wadankiisa Eleteria .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Nuxurka Khudbadiisu ahayd Jawaabo iyo Sharaxaad .
Qaybta Sharaxaada :Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Qodobeeyay Sababta Keentay in Xiligan Geeska Afrikada Bari uu Ka bilaamo Dabayl Keentay In Nabad Laga Abuuro Xuduudka Wadamo Colaadi Ka Dhex Oognayd mudo ku Dhaw 30 Sanno ,Oo ay ugu Muhiimsan tahay Xadadka Itoobiya iyo Eleteria,waxaanuMadaxweyne Muuse Biixi Oo Salaan ka Sii Dhigtay Somalia Xili uu Weerar Siyaasadeed ku Qaaday Raysal Wasaare Abiye Axmed +Jawaab uu Geele Taliwayay oo uu Madaxweyne Biixi kaga Dhawaaqay Faagaare.
Faalo Kooban.
Qalinkii Mustafe Axmed Herer.

Hargaysa(HN)Khudbadii uu Shalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ka Jeediyay Faagaare ku Yaala Badhtamaha Magaalo Madaxda Gobalka Togdheer ee Burco ,Oo uu kaga Hadlaayay Isbadalada Siyaasadeed ee ka Socda Geeska Afrikada Bari oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu Magac Daray Dabaysha Siyaasadeed ee Geesta Afrika,Ayaa Madaxweyne Biixi wuxuu si Qoto Dheer u sharaxay Cida Hogaaminaysa Dabayshaa Siyaasadeed ee Geeska Afrika waxaanu Sheegay in uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dalka Eleteria oo uu sharaxay Taariikh Nololeedkiisa Siyaasadeed iyo Go,Aamadii uu Qaatay iyo waliba Gadoomintii Caalamku Saaray Wadankiisa Eleteria .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Nuxurka Khudbadiisu ahayd Jawaabo iyo Sharaxaad .
Qaybta Sharaxaada :Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Qodobeeyay Sababta Keentay in Xiligan Geeska Afrikada Bari uu Ka bilaamo Dabayl Keentay In Nabad Laga Abuuro Xuduudka Wadamo Colaadi Ka Dhex Oognayd mudo ku Dhaw 30 Sanno ,Oo ay ugu Muhiimsan tahay Xadadka Itoobiya iyo Eleteria,waxaanu Guusha Dabayshaa Nabadeed Gacanta u Galiyay Madaxweynaha Dalka Eleteria ,oo uu Sheegay in Go,aankiisii adkaa ee uu Qaatay Si uu u Difaacdo xadka Dhuleed ee Dalkiisa taas oo uu Sheegay in madaxweynaha Eleteria uu ogalaan waayay in 3 Mitter oo Dhulka Dalkiisa ka mida uu ka tago, Taasina ay Keentay in Caalanku Ku soo Rogo Sagaal (9)Sanno oo Xayiraada Balse uu madaxweyne ecyaas Afwarki Dheg Jalaq (Ka Dhago Furaystay) Goaamada iyo Xayiraadaha Caalamka iyo Qaramada Midoobe ku Soo Rogeen sidaana uu ku Difaacday Xuduudka Dalkiisa ee lagu muransanaa, taas oo Keentay In markii Dambe Caalamkoo Dhami iskugu yimaado Wadanka Eleteria .
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Sheegay in Booqashadii Raysal Wasaaraha Itoobiya Dhawaan ku Tagay Magaalada asmara ee Caasimada Dalka Eleteria uu Ahaa mid Caalamku ku Qasbay inuu Madaxweynaha Eleteria ugu Tago Halkiisa Islamarkaana Itoobiya ka Tagto Dhulkii ay ku muransanaayeen labada wadan ee Addis Ababa iyo Asmara.
Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Isbadalada Nabadeed ee Geeska Afrika Xiligan ka Socda U Xabaariyay Madaxweynaha Dalka Eleteria isagoo ku Sheegay in Dhabar Adayg iyo Goaan Qaadasho Adag oo Madaxweynaha Eleteria Qaatay Keentay Dabaysha ka Socota Geeska Afrika Wakhtigan .
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii uu Tusaalooyinkaa iyo Taariikhda Isbadalada Geeska ka Socota Dhameeyay wuxuu ku ladhay in Qadiyada Madax banaanida Somaliland ay iyana taasi ka sii Adagtahay taa uu Qaatay Madaxweynaha Eleteria waxaanu Sheegay in Aanay marnaba Dhacayn in Somaliland lagu Khuukhiyo Isxulufaysiga Nabadeed iyo Wadaagida Xuduudaha Geeska Afrika Balse Somaliland soo Dhaweyneyso wax waloo Madaqada Geeska Nabad iyo Horumar ka Dhalinaaya.
Qaybta Jawaabta:Madaxweynaha Somaliland ayaa isagoo ka Hadlaaya Inuu ka Jawaabaayo Wararka Qalabka Warbaahinta Maxaligaa maraaya ee sheegaaya in Somaliland Albaabada laga soo Xidhay oo Wadamada jaarku Xidhiidhka u Jareen siiba Warkan Sheegaaya in Raysal Wasaaraha Itoobiya uu Diiday Codsiyo Madaxweyne Muuse Biixi u Diray oo ahaa martiqaad Booqasho uu ku tago Magaalo Madaxda Itoobiya Balse Raysal Wasaare Abiye Axmed uu Diiday Dalabka Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa Jawaabta Wararkaasi iyo Hadalada Madaxda Muqdisho wuxuu kaga Jawaabay Hadal Nuxurkiisa aynu ka soo Qaadan karno oo ahaa in aan Somaliland u Baahnayn Cidii ka maaranta waxaanay ahayd jawaabtii Madaxweyne Muuse Biixi Sidan.
;Ninka iga Maarma uma Muraad Sheegto ;
Waa Bucda Jawaabta Madaxweynaha Somaliland
Marka la isku soo xoodo waxaynu Khudbada Madaxweyne Biixi u kala Qaadi karnaa laba Qaybood.
1:Jawaab iyo Fariin ku Socota Raysal Wasaare Abiye Ahmed Balse uu Sarbeeb Siyaasadeed u adeegsaday isagoo Salaana ka Sii Dhigtay Somalia.
2:jawaab uu Odhan kariwaayay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo Madaxweyne Muuse Biixi u Yidhi,Maadaama oo Xeel Dheereyaasha Siyaasada Geeska Afrika Falanqeeyaa ay Sheegeen in Isbadalka Siyaasadeed ee Xuduudka Afrika laga Gaadhay iyo Shirarka Nabadeed ee Dhex maray Wadamada Itoobiya ,Eleteria iyo Somalia ay Tahay Nuxurkeedu in Dalka Jabuuti laga Shiray Maadaama Colaad Dhuleed ka Dhexaysa Xadka ay wadaagaan Jabuuti iyo Eleteria walina Aan Go,Aan Nabadeed laga Gaadhin .
By Mustafe Axmed Herer
Freelance Journalist
Email:Herersax@gmail.com
Tell phone:252634061560/252659112810
Guusha Dabayshaa Nabadeed Gacanta u Galiyay Madaxweynaha Dalka Eleteria ,oo uu Sheegay in Go,aankiisii adkaa ee uu Qaatay Si uu u Difaacdo xadka Dhuleed ee Dalkiisa taas oo uu Sheegay in madaxweynaha Eleteria uu ogalaan waayay in 3 Mitter oo Dhulka Dalkiisa ka mida uu ka tago, Taasina ay Keentay in Caalanku Ku soo Rogo Sagaal (9)Sanno oo Xayiraada Balse uu madaxweyne ecyaas Afwarki Dheg Jalaq (Ka Dhago Furaystay) Goaamada iyo Xayiraadaha Caalamka iyo Qaramada Midoobe ku Soo Rogeen sidaana uu ku Difaacday Xuduudka Dalkiisa ee lagu muransanaa, taas oo Keentay In markii Dambe Caalamkoo Dhami iskugu yimaado Wadanka Eleteria .
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Sheegay in Booqashadii Raysal Wasaaraha Itoobiya Dhawaan ku Tagay Magaalada asmara ee Caasimada Dalka Eleteria uu Ahaa mid Caalamku ku Qasbay inuu Madaxweynaha Eleteria ugu Tago Halkiisa Islamarkaana Itoobiya ka Tagto Dhulkii ay ku muransanaayeen labada wadan ee Addis Ababa iyo Asmara.
Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Isbadalada Nabadeed ee Geeska Afrika Xiligan ka Socda U Xabaariyay Madaxweynaha Dalka Eleteria isagoo ku Sheegay in Dhabar Adayg iyo Goaan Qaadasho Adag oo Madaxweynaha Eleteria Qaatay Keentay Dabaysha ka Socota Geeska Afrika Wakhtigan .
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii uu Tusaalooyinkaa iyo Taariikhda Isbadalada Geeska ka Socota Dhameeyay wuxuu ku ladhay in Qadiyada Madax banaanida Somaliland ay iyana taasi ka sii Adagtahay taa uu Qaatay Madaxweynaha Eleteria waxaanu Sheegay in Aanay marnaba Dhacayn in Somaliland lagu Khuukhiyo Isxulufaysiga Nabadeed iyo Wadaagida Xuduudaha Geeska Afrika Balse Somaliland soo Dhaweyneyso wax waloo Madaqada Geeska Nabad iyo Horumar ka Dhalinaaya.
Qaybta Jawaabta:Madaxweynaha Somaliland ayaa isagoo ka Hadlaaya Inuu ka Jawaabaayo Wararka Qalabka Warbaahinta Maxaligaa maraaya ee sheegaaya in Somaliland Albaabada laga soo Xidhay oo Wadamada jaarku Xidhiidhka u Jareen siiba Warkan Sheegaaya in Raysal Wasaaraha Itoobiya uu Diiday Codsiyo Madaxweyne Muuse Biixi u Diray oo ahaa martiqaad Booqasho uu ku tago Magaalo Madaxda Itoobiya Balse Raysal Wasaare Abiye Axmed uu Diiday Dalabka Madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa Jawaabta Wararkaasi iyo Hadalada Madaxda Muqdisho wuxuu kaga Jawaabay Hadal Nuxurkiisa aynu ka soo Qaadan karno oo ahaa in aan Somaliland u Baahnayn Cidii ka maaranta waxaanay ahayd jawaabtii Madaxweyne Muuse Biixi Sidan.
;Ninka iga Maarma uma Muraad Sheegto ;
Waa Bucda Jawaabta Madaxweynaha Somaliland
Marka la isku soo xoodo waxaynu Khudbada Madaxweyne Biixi u kala Qaadi karnaa laba Qaybood.
1:Jawaab iyo Fariin ku Socota Raysal Wasaare Abiye Ahmed Balse uu Sarbeeb Siyaasadeed u adeegsaday isagoo Salaana ka Sii Dhigtay Somalia.
2:jawaab uu Odhan kariwaayay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo Madaxweyne Muuse Biixi u Yidhi,Maadaama oo Xeel Dheereyaasha Siyaasada Geeska Afrika Falanqeeyaa ay Sheegeen in Isbadalka Siyaasadeed ee Xuduudka Afrika laga Gaadhay iyo Shirarka Nabadeed ee Dhex maray Wadamada Itoobiya ,Eleteria iyo Somalia ay Tahay Nuxurkeedu in Dalka Jabuuti laga Shiray Maadaama Colaad Dhuleed ka Dhexaysa Xadka ay wadaagaan Jabuuti iyo Eleteria walina Aan Go,Aan Nabadeed laga Gaadhin .
By Mustafe Axmed Herer
Freelance Journalist
Email:Herersax@gmail.com
Tell phone:252634061560/252659112810

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: