Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo 7KM Tuke-raq U Dhaafay Dhanka Garoowe

Tuke-raq (Dhamays) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta gaadhay Degmada Tuke-raq ee Koonfurta Gobolka Sool, halkaasi oo dhawaan Ciidammada Qaranku kala wareegeen Maleeshiyaadka Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay Safarkiisa Jiidda hore ku weheliyaan Taliyaha Ciidammada Qaranka Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka Gaashaandhigga Mr. Xawar iyo Saraakiil sar-sare oo ka mid ah Laamaha Dawladda ayaa Saaka gaadhay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxayna markaasi ka dib u gudbeen Tuke-raq, iyagoo markii dambe gaadhay Jiidda Ciidamamda Qaranku fadhiyaan oo dhanka Garoowe 7KM ka xigta Tuke-raq.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxa War-bixinno siiyey Taliyaha Ciidammada Qaranka iyo Saraakiisha kale ee halkaasi ku sugan.

 Warkaasi oo faahfaahsan halkan hoose Ka Daawo

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: