Madaxweyne ku xigeenka oo Sheegay in Dowladda Itoobiya ay Safiir Waayo-arag ah u sii Magacawday Somaliland

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay safiir waayo-arag ah u soo magacaabeen dalka Somaliland.Madaxweyne-ku-xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasibad qado-sharaf ah oo Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Qunsulka Guud ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland shalay, waxa uu tilmaamay in safiirkan cusub yahay masuulkii ugu waayo-aragsanaa, uguna miisaan cuslaa dhammaanba wakiilladii ay Itoobiya u soo diri jirtay Somaliland labaatankii sanno ee u dambeeyey.

“Marka dib loogu noqdo (ee la eego) labaatankaas sanno ee ay Itoobiya inoo soo diraysay rag safiirro ah (waxa ay imminka inoo soo dirtay) ninkii ugu waayo-aragsannaa oo muddo dhawr iyo labaatan sanno ah soo ahaa safiir ama wasiir ama ku soo jiray siyaasadaha oo weliba labaatankii sanno ee u dambeeyey ku soo dhex jiray siyaasadda dalka Itoobiya inay inoo soo direen qiimo weyn oo gaar ah ayey runtii inoo tahay,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas ku daray in khibradda Qunsulka Guud ee ay Dowladda Itoobiya u soo dirtay Somaliland uu meesha ka saarayo tuhunnada iyo wararkii ku-tiri-ku-teenka ahaa ee la xidhiidhay in Itoobiya hoos u dhigtay xidhiidhkii ay la lahayd dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Halkaas waxa ku soo xidhmay in aanay jirin wax inoo dhexayn kara innaga (Somaliland) iyo Itoobiya oo waxa halkaas ka muuqata in labadeenuba aynu nahay laba dal oo aan kala maarmin. Danta ay innagu qabaan iyo danta aynu ku qabno waa laba qiimo badan,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in masuulka ay Dowladda Itoobiya soo magacawday uu yahay safiir ruug-caddaa ah, waxaannu yidhi; “Waxa aynu soo dhawaynaynaa walaalkeen oo Safiirka Itoobiya ah, waana safiir waayo-arag ah, dalal badan safiir ka soo noqday oo ay maanta Somaliland nasiib u yeelatay oo inan (siyaasi) reer Somaliland-na ah, dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya-na safiir innooga noqonaya, aad iyo aad ayeynu halkan ugu soo dhawaynaynaa.”

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in kala badh tirada Golaha Wasiirrada Somaliland ay joogeen madasha qado-sharafta ah ee lagu maamuusay Qunsunlka Guud ee Itoobiya, waxaannu yidhi; “Mr. Ambassador, waxa halkan fadhiya in ka badan kala badh xubnaha Golaha Wasiirrada Somaliland, waxa kaloo fadhiya borofaseerro (Professors), rag hore oo Wasiirro ahaan jiray ayaa fadhiya, barlamaan ayaa fadhiya oo Komishankayagii Doorashooyinka ayaa fadhiya, waana qado-sharafeed

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Qunsulka Guud ee ay Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya u soo magacawday dalka Somaliland Ambassador Shamsudiin Axmed Rooble, waxaannu yidhi; “Maadaama oo aynu laba dal oo jaar ah in aynu wada shaqayno, in xidhiidhka la wanaajiyo ayaan rabaa, kolkaa waxa aan haddana odhanayaa uun aad ayaad ugu mahadsan tihiin soo dhawayntan aad maanta (Sabtidii shalay) ii samayseen ee aad igu soo dhawayseen. Waan idinla shaqaynayaa oo sida la sheegay labada jaar (Somaliland iyo Itoobiya) waxa ka dhexeeya waxyaabo badan.”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: