Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Reer Somaliland iyo ummadda Islaamkaba ku Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidda Carafo

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul-adxada oo habeenka caawa ah ku beegan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu  guud ahaan shucuubta Islaamka Eebbe uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo xujayda sanadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: