Madaxweyne BIIXI Oo Saraakiil Ciidan Iyo Wasiirro Casuumad Ugu Sameeyay Abu Dubai

Abu-dhabi (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Emirates palace ee uu deggan yahay ku qaabilay oo hadhimo sharafeed ugu sameeyay xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland oo Shalay ka dhoofay dalka, isla markaana gaadhay Imaaraadka Carabta gaar ahaan Abu-dhabi, iyagoo ka koobnaa wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada, guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, taliyeyaasha Ciidan ee Jamhuuriyadda Somaliland, ujeedada safarkooduna la xidhiidhay hirgelinta iyo ka midho dhalinta mashaariicda Imaaraadka Carabtu Somaliland Ka Taageerayaan.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Afhaeenka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu u dhignaa sidan:-  “Marti-qaadkan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu qasriga uu ka degan yahay magaalo madaxda dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu dhabi uu ugu sameeyay xubno ka socda xukuumadiisa oo safar shaqo kaga daba yimi weftigii uu hoggaaminayay ee maalmihii u danbeeyey socdaalka shaqo ku joogey Dalka Imaaraadka Carabta, waxaana kulankan ay wada qaateen madaxweynaha Somaliland iyo weftiga xukuumada Somaliland ka socday ee ka daba-tegay ay ka wada hadleen is fahanka iskaashi ee dhexmaray madaxda waddamada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo mashaariicda ay ka wada shaqayn doonaan, taasi oo sababtay in loo yeedho iyaga.

 

Waxaanu madaxweynaha Somaliland masuuliyiinta uga xog-warramay guulaha safarkiisan ku lammaanaa iyo waxyaabaha ay isla meel dhigeen masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isagoo Madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in safarkan ay xubnahani ku yimaadeen Imaaraadka carabtu ay bilow u tahay qorshayaasha ay isku afgarteen hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta, isagoo tafaasiil ka bixiyay in Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ee ay ku wada tallaabsan doonaan guulo horumarineed oo ay gaadheen labada bulsho ee ku kala dhaqan dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta”. Warkani waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Xubnaha Weftiga safarka shaqo kaga daba tegay Imaaraadka Carabta madaxweynuhu waxay ka kooban yihiin.

  1. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi.
  2. Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo gaas, Nuux Ismaaciil Taani
  3. Taliyaha ciidanka booliska sareeyo gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan.
  4. Taliyaha Ciidanka badda sareeye guuto Cabdi Xirsi Ducaale.
  5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Ibraahin Cabdi (Dhoobaale).

Dhankiisa Safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka carabta Baashe Cawil Cumar ayaa sharraxey in weftigan soo gaadhey isu-tagga Imaaraadka carabta ee ka daba yimi weftigii hore ee madaxweynaha Somaliland hoggaaminayay ay ka shaqeyn doonaan arrimaha farsamada ee mashaariicda ay isdhaafsanayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraadka carabta socdaalkoodanina uu salka ku hayo qodobadii madaxdweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kala hadley masuuliyiinta Imaraadka Carabta”.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: