Madaxweyne Biixi Oo Maareeye Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera.

Hargeysa (DMG)- Madaxweynaha somaliland ayaa maareeye ku xigeen cusub u magacaabay kaydka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta ayaa u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo ay summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Keydka Haamaha Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

Wareegto Madaxweyne:- Magacaabid.

Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:​Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:​In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: ​La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: