Madaxweyne Biixi Oo Ka Soo Laabtay Safar Qaatay 36 Saacadood

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargaysa, kadib markii uu maalintii shalay caasimadda Jabuuti kaga qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa galinkii danbe ee maalinimadii Jimcaha ee 14 bishan May, safar ugu kicitimay dalka Jabuuti kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha Jabuuti, oo ku marti qaaday xafladdiisa dhaarinta.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa madaarka Xumbuli ee caasimadda Jabuuti kusoo sagootiyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Jabuuti iyo wakiilka Somaliland u jooga dalka Jabuuti Cabdifatax Siciid Axmed.

Madaxweyaha iyo waftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen madaarka Cigaal ee caasimadda Somaliland ee Hargaysa, waxa soo dhaweeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxayna salaam sharaf ka qaateen cutub ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisu ay kaga qayb qaateen xafladda dhaarinta madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qaatay muddo 36 saacadood ah.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Open chat
soo dhawoow walaal