Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Tabasho Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eedaymo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ugu jeediyey inuu Komiishanka cusub ee doorashooyinka ee dhismihiisu socdo u soo xushay xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye, iyada oo aanu Sharcigu ogolayn.

Madaxweynaha oo ka hadlay Munaasibad lagu qabtay Hargeysa Maanta, ayaa sheegay inuu xubnaha uu Magacaabay iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Guurtidu soo Magacowdayba u gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay,

“Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxaan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan ku soo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray.

“Dadkaasna (Xubnaha Komiishanka loo soo xulay) maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen  dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ah ee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

Haadalka Madaxweynaha Somaliland aya yimid, Maalin ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu sheegay in WADDANI soo gaadhsiiyey Warqad ay ku hakinayaan Xubinta ay u soo xusheen Komiishanka Doorashooyinka.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.