Madaxweyne Biixi Oo Dhaqan-geliyey Xeerka Kalluumaysiga Somaliland

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta soo saaray Wareegto uu ku dhaqan-gelinayo Xeerka Kalluumaysiga JSL, kaasi oo ka soo gudbay Baarlamaanka.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed lagu shaaciyey Wareegtadaasi, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-207/102018, ku dhaqan-geliyey laba xeer oo kala ah, Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 iyo Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018 Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018.

Markaan Arkay:  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/808/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Qandaraasyada Qaranka iyo Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikhaysan 18/09/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga;

Markaan Arkay:  Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018. Iyo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018….”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: