Madaxweynaha Soomaaliya Oo Si Dadban Ugu Hanjabay Shirkadda DP World

Muqdisho (Dhamays) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa si Dadban ugu hanjabay Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Shirkadda DP WORLD oo maalgelinaysa Dekedda Berbera ee Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta furay Kalafadhiga saddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa khudbad uu u halkaa ka jeediyey wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in Waddamada Caalamka iyo Shirkadaha Caalamiga ahi Maalgeshadaan Soomaaliya, balse aanay diyaar u ahayn in lala wareego taako ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Hadalka Farmaajo oo ku soo beegmay Xilli Afar maalmood ka hor ay Ururka Dalalka Jaamacadda u gudbiyeen Dacwad kaga cabanayaan Maalgelinta Shirkadda Carbeed ee DP WORLD ku samaynayso Dekedda Berbera iyo saamiga laga siiyey Dawladda Itoobiya, ayaa yidhi “Soomaaliya waxay diyaar u tahay Maalgeshi ay la wadaagto Shirkadaha iyo Waddamada Caalamka”

Farmaajo oo aaminsan in Dawladdiisu Maamusho Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa khudbadda uu u jeediyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku sheegay in Cid kasta oo Maalgeshi ku samaysanaysa Soomaaliya ay ogolaasho ka haysato Dawladda Federaalka Soomaaliya “Cid kasta oo doonaysa inay Maalgeshato Soomaaliya waa inay ogolaansho rasmi ah ka hesho Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu si dadban digniin ugu diray Shirkadda DP World ee Maalgelinaysa Dekedda Berbera “Waxaan uga digayaa Waddamada iyo Shirkadaha Shisheeye inayna ku xad-gudbi karin Qarannimada iyo Midnimada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed marnaba ma ogolaanayaan in Hal taako oo Dhulkooda ka mid ah inay six un u baxdo.”

Hadalka Farmaajo, ayaa u muuqda mid uu kaga jawaabayo hadal uu toddobaadkii hore sheegay Madaxa Shirkadda DP WORLD oo sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya aanay lahayn awood ay ku hor istaagto heshiiska Saddex geesoodka ah ee ay Magaalada Dubai ku kala saxeexdeen Dawladda Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP WORLD, kaasi oo dhigaya in Dawladda Federaalka Itoobiya ay 19% ku yeelato Maalgelinta Dekedda Berbera.

Madaxa Shirkadda DP WORLD Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa toddobaadkii hore sheegay in heshiiska ay ku maalgelinayaan Dekedda Berbera uu yahay mid sharci ah, maaddaama buu yidhi Somaliland ay Madaxa-banaanayd 28-kii sannadood ee u dambeeyay isla-markaana hore ay u gashay Heshiisyo Caalami ah.

Hadalka Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa keenay in Madaxweynaha Soomaaliya oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya uu Warbaahinta mariyo digniinta uu u dirayo waxa uu ugu yeedhay Shirkadaha iyo Waddamada shisheeye.

 

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: