Madaxweynaha Somaliland oo Xarunta Madaxtooyada ku marti-qaaday madax-dhaqameedka, hal-doorka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Garxajis

Hargeysa (Dhamays News) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in bulshada ka soo jeeda Beelaha Garxajis ay yihiin laf-dhabarta difaaca qaranka Somaliland, isla markaana yihiin beel aan lagu aqoon dudmo iyo cadho ka farxisa cadawga dalka.Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey kulan hadhimo-sharafeed ah oo uu qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka, hal-doorka iyo siyaasiyiinta Beelaha Garxajis shalay, waxa uu uga mahadnaqay doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha iyo horumarka dalka Somaliland.

“Halkan waxa aan idiinku yeedhay in aannu idiinka mahadnaqno Xukuumad ahaan, Madaxweyne ahaan iyo weliba qaranka Somaliland intiisa badan inta qarannimada jecel, inta nabadda jecel iyo inta horumarka jecelba aniga oo ka wakiil ah waxa aannu idiinkaga mahadnaqaynaa hawlaha qaranka, gurmadka qaranka, difaaca qaranka iyo ilaalinta qaranka halka aad kaga jirtaan deegaan ahaan, gobollada halka aad ka joogtaan iyo halka aad ka deggen tihiinba,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo uu Madaxweyne Muuse Biixi iftiimiyey sababta keentay inuu si gaar ah u marti-qaado waxgaradka Beelaha Garxajis, waxaannu yidhi; “Maxaannu gaar idiinku yeedhnay? Waxa aannu gaarka idiinku yeedhnay,ilaa muddo sannad ku dhaw inta Somaliland neceb iyo cadawga Somaliland-ba wax aydaan geyin iyo wax aydaan ahayn iyo wax aan suurtoobayn ayaa aad loo faafiyey oo ah beeshani way dagaalamaysaa, waxaas ayey qabtaa, Somaliland ayey duminaysaa. Dad waxaas fidinayey ka uu yahayba waa mid aan beeshan (Garxajis) aqoon. Eraygan la yidhaahdo wax ayey tabanayaan, (waxa aan leeyahay) beeshani waxba ma tabato ee way talisaa, beeshani ma cabato ee way dulqaadataa oo dadka ayey isku soo jiiddaa, kaalintaas ayeyna Somaliland ku leeyihiin. Marka aad idinku cabataan, kuwa kale (beelaha kale) maxaad u malaynaysaan? Erayada waa la kala leeyahay, laakiin taariikhda ayaa isbeddeshay oo waxa aad arkaysaa nin weyn oo Cirro badan leh oo TV-ga fadhiya (saxaafadda ka hadlaya) oo magaca beeshan sheeganaya oo ku hadlaya erayo (weedho) aanay geyinba.”

Waxaannu intaas ku daray; “Haddii ay (beeshan Garxajis) doonayso inay wax beddeho ama ay doonayso inay saxdo, talo ayey ku saxdaa, awoodeeda iyo miisaankeedana way leedahay, Somaliland-na way ka dhegaysataa, tolkeedna wuu ku ixtiraamaa.”

Waxa kaloo Madaxweynuhu sheegay in bulshada ka soo jeeda beeshan uu qaddo-sharafta u sameeyey ay yihiin laf-dhabarta difaaca qarannimada Somaliland, waxaannu yidhi; “Dalkan sidii aad u ahayeed ee Ilaahay wax idiinka dhigay ayaad u tihiin. Dalkan Somaliland marka uu difaac u baahdo xoogiisii ayaad tihiin, markuu talo u baahdana talo-qabeenkiisii baad tihiin, marka uu dul-qaad u baahdona gogoshiisii lagu soconayey ayaad tihiin oo idinku kuwii cadhoonayey ma tihidin, marka aad wax tabanaysaan ama in wax la saxo aad doonaysaan talo ayaad ku saxdaan ee dudmo iyo cadho la idiinkama baran, la idinkana fili maayo, (taasna) dadku wuu idiin ogyahay, aniguna sidaas ayaan idiin ogahay. Wixii khaldan talo ayeynu ku sixi oo talo ayeynu ku wada sixi doonaa.”

“Ninkasta oo ka mid ah degaankan (beelaha Garxajis) oo wax tabanaya ama u qaatay in indhaha laga lalinayo oo talo iyo wanaag haya, wanaag iyo soo dhawayn ayaannu u haynaa, Madaxtooyaduna waa Madaxtooyadiisii, nin walbana wuu ku marti-qaadan yahay, nin walba waannu ka ogolnahay oo inta uu dumarka iyo carruurta ka nixinayo ee uu erayo qallafsan (hadal qallafsan) oo aan afka reerkanba ahayn uu kaga hadlayo TV-ga (warbaahinta), isaga oo talada halkan la yimaada ayaa muhiim ah, albaabada Madaxtooyaduna way u furan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, madasha hadhimada ah ee lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, waxa ka qaybgalay ku dhawaad 200 (Laba boqol) oo ergay oo ka kala yimid qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaasoo isugu jira 40 (afartan) Chief Caaqil, 23 Suldaan, qaar ka mid ah Badhasaabada iyo Maayarrada gobollada iyo degmooyinka dalka, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo miisaan leh, iyadoo ay Madaxweynaha si habsami leh isugu xog-waraysteen kulankaasi hadhimo-sharafeedka ah oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

 Xubno isugu jira salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahan oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha hadhimada uu ku maamuusay, waxayna caddeeyeen inay si guud iyo si gaar ahba Madaxweynaha ugu garab taagan yihiin tallaabooyinka horumarineed ee uu ku hoggaaminayo dalka Somaliland.

 Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Abees, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbul xaakimka KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) ayaa iyaguna dhinacooda kelmedo soo dhawayn iyo mahadnaqa halkaasi ka jeediyey.

 Xubno ka mid ah salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshan kasoo jeeda ee miisaanka leh oo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Ugaas Xuseen Geelle, Guddoomiyaha Guddida Talo iyo Tawfiiq, Mudane Xasan Xuseen, Chief Caaqil Xuseen Xasan Cali, Caaqil Cabdiweli Jaamac, Cawil Yuusuf Dhiif, Maayarka Degmada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur oo dhammaantood madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah Madaxweynaha ugu bogaadiyey sida uu u maamuusay iyo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay si hagar la’aan ah ula shaqaynayaan Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii loo sixi lahaa wax kasta oo tabasho ka taagan tahay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: