Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Xadhiga Weriye Muddo U Xidhnaa Maamulkiisa

Garoowe (Dhamays) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xadhiga weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan oo muddo ka badan laba bilood ah ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay shirweynaha ururka saxaafadda Puntand ee MAP, ayaa sheegay in weriyaha loo haystay dambi uu galay, balse wuxuu tilmaamay in baadhitaankiisu uu dhamaaday oo xoriyadiisa dib u helidoono.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in weriyayaasha dambi la galiyo iyadoo looga faaidaysanayo daruufaha ay ku shaqeeyaan.

Weriye Kilwe ayaa kasoo muuqday maxkamada ciidamada Puntland, waxaana loo haystaa dambiyo ay kamid yihiin been abuur iyo kicin dadweyne.

Ururka MAP ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhigiisa, wuxuuna hay’addaha garsoorka ka dalbaday in ay weriyaha hadduu dambi leeyahay maxkamad lasoo taago ama in xoriyadiisa loosoo celiyo.

Open chat
soo dhawoow walaal