Madaxweynaha Puntland Oo Diiday In La Dhexdhexaadiyo Somaliland

Garoowe (Dhamays) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayay Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, waxayna halkaa ku yeesheen Wada-hadal.

Kulankan oo aan Warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu dhamaaday waxa Warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, wuxuuna si guudmar ah uga warramay qodobbadii ay ka wada-hadleen isaga iyo Ergayga Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay ka mid ahayd Ciidammada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor-fadhiya Duleedka Degmada Tuke-raq.

Madaxweyne Gaas oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Maanta (Shalay) halkan ku qaabilnay danjire Michael Keating, waxa uu noogu yimid shaqada ay Qaramada Midoobay ka hayaan Puntland guud ahaan, inaanu iska waraysano nabadayntii ka socotay Gaalkacyo, horumarka hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ka hayaan Puntland, nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya, Soomaaliya xaaladeeda guud, ha noqoto dhan ciidan, dhismaha ciidamada Soomaaliya, ha noqoto arrimaha dhaqaalaha iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee kasoo baxay shirkii lagu yeeshay Brussles bishan gudeheeda, waxaas oo dhan baan ka wada hadalnay.” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta.

Balse, War-saxaafadeed lagaga hadlay kulanka Madaxweyne Gaas iyo Danjiraha Qaramada Midoobay oo oo ay baahisay Madaxtooyada Garoowe, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu Ergayga Qaramada Midoobay u sheegay in aanay diyaar u ahayn nabad-galyo la dhex dhigo Dawladda Somaliland.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ah uu Dhamaysnews heshay ayaa lagu sheegay “Waxaa uu Madaxweynuhu (Madaxweynaha Puntland) si cad ugu sheegay Danjire Michael Keating mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaaladda deegaanka Tuke-raq oo uu maamulka Somaliland ku soo duulay,  isla-markaana waxaa uu Madaxweynuhu sheegay inta taako Puntland ka tirsan ay Somaliland joogto in ayna nabadi dhacayn, Puntland na ay xoreynayso dhulkeeda…” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Dhamaysnews.com/Hargeisa Office

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: