Madaxweynaha Oo Tacsi U Diray Chief Caaqil Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Jaamac Caarre Samatar oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 20/12/2017, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Chief Caaqilka tiir ka baxay madaxda dhaqanka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: