Madaxweynaha Oo Magacaabay Guddiga 18-ka May Ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay

Hargeysa (Dhamays) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Magacaabay Guddiga Taakulaynta Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen ee reer Somaliland, maaddaama oo Xuskii 26 Guurada Madax-banaanida Somaliland ee la qaban lahaa 18-ka bishan May loo beddelay in loo gurmado Dadka abaareysan.

Madaxweynaha ayaa 25 Xubnood oo isugu jira Masuuliyiin iyo Dad Shacab ah u xil-saaray fulinta Qaadhaan Ururin la samaynayo laga bilaabo 18-ka May illaa 26-ka bisha June ee soo socota, sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu Caaw soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

Ujeeddo: Magacaabid Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay

 Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guurada 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh. 

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maaddaama ay dhacday abaar ba'an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba; 

Markaan Arkay:  In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba; 

Markii Aan Tixgeliyey:  Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan; 

Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen;

Waxaan Go'aamiyey;

1. in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.

2.  Waxaan idiin magacaabay Guddida Gargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:

B) Qaadhaan Uruurin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.

T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.

J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la'aanta,            diihaalka iyo diifta abaartu reebtay. 

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini'aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

Guddida La magacaabay:

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada  Guddoomiye   

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku-xigeen       

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin  

Ku:Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta  Xubin

Ku:Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare    Xubin

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Xubin                                                                             Ku: Mudane, Maxamed Shugri Jaamac  (Rugta Ganacsiga)  Xubin

Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga)  Xubin                                           Ku: Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA)   Xubin

Ku: Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf)       Xubin

Ku: Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf) Xubin

Ku: Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo)    Xubin

Ku: Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo)  Xubin

Ku: Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo)     Xubin

Ku: Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad)     Xubin

Ku:  Mustafe Axmed Xassan (Nagaad)  Xubin

Ku:  Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha) Xubin

Ku:  Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha)  Xubin

Ku:  Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID)    Xubin 

Ku:  Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID)   Xubin

Ku:  Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI)   Xubin

Ku:  Dr. Axmed Aadan Buuxane     (Xisbiga WADDANI)   Xubin

Ku:  Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI)  Xubin”

 ALLAA MAHAD

 Xuseen Adan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: